Duqa Magaalada Minneapolis, Jacob Frey, ayaa si rasmi ah ugu guuleystay doorashada isagoo markiisii saddexaad helay xilka duqnimada.

Duqa Magaalada Minneapolis, Jacob Frey, ayaa si rasmi ah ugu guuleystay doorashada isagoo markiisii saddexaad helay xilka duqnimada. Hambalyo Duqa Jacob Frey. Inkastoo kooxaha bulshada bidix (socialists) ay isku dayeen inay xilka ka tuuraan, haddana wuu guuleystay sababo la xiriira dadaalkiisa ku aaddan amniga, midnimada, iyo horumarka magaalada Minneapolis. Frey wuxuu ka adkaaday Senator-ka dimoqraadiga ah ee bulshada bidix, Omar Fateh, iyo kooxo kale oo horumarsan oo mucaarad ah. Tirintii ugu dambeysay, Frey wuxuu helay 53.3% codadka, taas oo muujisay kalsoonida shacabka Minneapolis ay ku qabaan hoggaankiisa iyo aragtidiisa magaalo ammaan ah, mideysan, oo sii kobcaysa.

Soomaalida iyo kuwa la qaybsaday codbixinta waxay u kala jabeen kooxda Socialists iyo taageerayaasha Duqa Frey, balse intooda badan Soomaalida waxay u codeeyeen Jacob Frey, iyagoo mudnaanta siiyay amniga, xasilloonida, iyo horumarka magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *