Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa ku wargelisay shirkadda diyaaradaha ee Flydubai in ay si buuxda ugu hoggaansanaato shuruudaha fiisaha gelitaanka Soomaaliya, kaddib markii la ogaaday in rakaab ay shirkaddu keentay magaalada Hargeysa aysan haysan fiisaha elektaroonigga ah (e-Visa) ee waajibka ah.
Sida ku xusan warqad rasmi ah oo uu ku saxeexan yahay Maareeyaha Guud ee SCAA, Axmed Moallim Xasan, hay’addu waxay sheegtay in tallaabadan ay jebinayso xeerarka socdaalka iyo duulista Soomaaliya, isla markaana ay halis ku tahay ilaalinta xuduudaha iyo amniga qaranka.
“Rakaabka ay Flydubai keentay Hargeysa waxaa la ogaaday inaysan haysan fiisaha Soomaaliga ee loo baahan yahay ka hor safarka, taas oo si toos ah uga hor imanaysa xeerarka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.
SCAA waxay shirkadda ku amartay in si degdeg ah loo hirgeliyo habraacyo adag oo xaqiijinaya in dhammaan rakaabka u socda Soomaaliya, gaar ahaan Hargeysa, ay haystaan fiisaha elektaroonigga ah ee Soomaaliya (e-Visa) ka hor inta aysan safrin.
Hay’addu waxay sidoo kale ku hanjabtay in haddii Flydubai ay ku guuldareysato u hoggaansanaanta shuruucdaas, laga qaadi doono tallaabooyin sharci ah, oo ay ka mid yihiin ganaax lacageed, joojinta duulimaadyada shirkadda ee Hargeysa, ama dib u eegis lagu sameeyo ogolaanshaha ay shirkaddu ku shaqeyso hawada Soomaaliya.
SCAA ayaa xustay in ilaalinta sharciyada socdaalka ay tahay mid aan ahayn oo keliya waajibaad sharci ah, balse sidoo kale muujinaysa ixtiraam labada dhinac ee madax-bannaanida qaranka iyo xeerarka duulimaadyada caalamiga ah.
