๐™“๐™ค๐™œ๐™ฉ๐™ž๐™ž ๐™ช๐™œ๐™ช ๐™™๐™–๐™ฃ๐™—๐™š๐™š๐™ฎ๐™จ๐™–๐™ฎ ๐™ž๐™ฎ๐™ค ๐™’๐™–๐™™๐™–-๐™๐™–๐™™๐™–๐™ก๐™ก๐™–๐™™๐™– ๐™“๐™–๐™จ๐™–๐™ฃ ๐™ž๐™ฎ๐™ค ๐˜ผ๐™ญ๐™ข๐™š๐™™ ๐™ˆ๐™–๐™ญ๐™–๐™ข๐™š๐™™ ๐™„๐™จ๐™ก๐™–๐™–๐™ข ๐™š๐™š ๐™†๐™ž๐™จ๐™ข๐™–๐™–๐™ฎ๐™ค ๐™ค๐™ค ๐™ก๐™– ๐™ž๐™จ๐™ ๐™ช ๐™ข๐™–๐™ง๐™ž ๐™ก๐™–โ€™๐™ฎ๐™–๐™๐™–๐™ฎ

Mudugpost โ€“ Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Kismaayo ku yeeshay wada-hadallo albaabadu u xiran yihiin, kuwaas oo looga hadlayo arrimo siyaasadeed iyo khilaafyo taagan.
Wararka la helayo ayaa muujinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in Axmed Madoobe uu ka laabto doorashadii Jubbaland, isla markaana uu aqbalo hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod, iyo inuu dib ugu soo biiro Golaha Wadatashiga Qaran.
Dhanka kale, hoggaanka Jubbaland ayaa ku adkaysanaya in dowladda federaalka ay marka hore aqoonsato doorashadii maamulkaasi qabtay, ka hor inta aan laga hadlin qodobada kale ee muranka dhalinaya.
Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in maanta lays mari waayey, balse la filayo in kulanku sii socdo caawa ilaa subaxda hore ee berri si loo gaaro is-afgarad.
Wada-hadallada waxaa goob-joog ka ah Taliyaha Sirdoonka Kenya, Nuuradiin Xaaji, oo qayb ka ah dhexdhexaadiyaasha arrintan. Qaybta labaad ee kulanka ayaa la sheegay in ay ku wada hadleen oo keli ah Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe.
Madaxda ayaa ku sugan Guriga Martida ee Kismaayo oo ku yaalla dhinaca badda, halkaas oo dhinacyadu weli ku adkaysanayaan mowqifyadoodii hore.
Jubbaland ayaa hore u sheegtay in aysan dooneyn in wada-hadallada lagu soo hadal qaado sharciyadda doorashadii uu Axmed Madoobe kusoo baxay. Dhanka kale, Villa Soomaaliya ayaa hore uga gaabsatay inay soo saarto warqad rasmi ah oo qeexaysa mowqifkeeda ku saabsan muddada xil-haynta Axmed Madoobe โ€” arrin muhiim u ahayd Jubbaland kahor bilowga wada-hadalladan.
Qodobkan ayaa weli u muuqda mid uu Madaxweyne Xasan Sheekh u adeegsanayo cadaadis uu ku saaro Madoobe si uu tanaasul u sameeyo loona gaaro isfaham siyaasadeed.
Safarka Kismaayo ayaa yimid toddobaad kadib markii Axmed Madoobe uu Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Puntland iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Qaranka, kuwaas oo dhisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya si ay uga shaqeeyaan qorshaha kala-guurka dalka โ€” tallaabo sii adkaysay wada-hadallada uu hadda la leeyahay dowladda federaalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan ku dadaalaya inuu la kulmo madaxda dowlad-goboleedyada inta aan la gaarin dhammaadka muddadiisa xil-haynta, xilli uu wajahayo mucaaradad xooggan oo ka imanaysa gudaha Muqdisho iyo maamulada qaar.
Puntland, Jubbaland iyo Madasha Mucaaridka ayaa weli si mideysan uga soo horjeeda qorshaha doorashada qof iyo cod, wax-ka-beddelka dastuurka iyo muddo kordhin kasta oo la xiriirta xil-haynta dowladda dhexe.
Sanadkii ugu dambeeyay ee xukunka dowladda federaalka ayaa noqday mid lagu tilmaamo muran siyaasadeed iyo isku dhac u dhaxeeya saamileyda siyaasadda, taas oo xaaladda ka dhigtay mid kacsan oo la dareemayo gudaha dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *