Xaaladda Magaalada Balad-Xaawo Oo Saaka Deggan Kadib Dagaal Culusi Ka Dhacay

Magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa saaka u muuqata mid deggan, kaddib dagaal culus oo shalay ka dhacay, kaasoo u dhexeeyay ciidamo taabacsan Maamulka Jubbaland iyo kuwo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan.

Dagaalka ayaa billowday abaarihii duhurnimo, wuxuuna socday ilaa fiidkii, iyadoo la adeegsaday hub culus. Waxaa laga soo sheegayaa khasaarooyin kala duwan iyo barakac ballaaran oo saameeyay shacabka magaalada.

Wararka laga helayo magaalada, oo ay isgaarsiintu ka goโ€™nayd muddo todobaad ah, ayaa tilmaamaya in dadka ku haray ay la tacaalayaan xaalado adag oo dhanka nolasha ah, iyadoo barakacayaal badan ay u qaxeen dhanka xuduudaha dalalka deriska ah sida Kenya iyo Itoobiya, iyo sidoo kale deegaannada miyiga ah ee duleedka magaalada.

Dadka deegaanka ayaa weli ka walaacsan suurtagalnimada in dagaalku dib u qarxo, maadaama ciidamada labada dhinac ee isku haya magaalada aysan weli ka dhaqaaqin goobihii ay dagaalka ku galeen.

Xaaladda biniโ€™aadantinimo ayaa aad u liidata, iyadoo aysan jirin gargaar degdeg ah oo halkaas gaaray ilaa iyo hadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *