Yurub iyo Mareykanka oo ka sii niyad-jabaya dowladda madaxweyne Xasan Sheekh

In kasta oo balaayiin doollar oo taageero caalami ah la siiyey, haddana ciidanka Soomaaliya ayaa ku fashilmay wajihidda weerarro isdaba-joog ah oo bilooyin socday oo ay soo qaadeen kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaeda, waxaana sii yaraanaya samirka deeq-bixiyeyaasha, sida ay qortay wakaaladda wararka AFP.

Iyagoo adeegsanaya boqollaal dagaalyahan iyo gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo loo adeegsaday weerar ismiidaamin ah, ayay Al-Shabaab dib ula wareegeen magaalada Moqokori 7-dii Luulyo, taasoo ahayd tii ugu dambaysay ee guuldarrooyin isdaba-joog ah oo dowladda soo gaaray sannadkan.

Tani waxay siisay boos istiraatiiji ah oo dhanka juquraafiga ah oo ay weerarro uga soo qaadi karaan gobolka Hiiraan, laakiin sidoo kale waxay ahayd guul astaan weyn u ahayd oo ay ka gaareen maleeshiyo beeleed deegaanka ah oo ahayd “cududdii ugu fiicnayd ee dowladda” ee la dagaallamaysay Al-Shabaab, sida uu sheegay Cumar Maxamuud oo ka tirsan Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah (International Crisis Group).

Dowladda Soomaaliya waxay la dagaallamaysay kooxda Islaamiga ah tan iyo bartamihii 2000-meeyadii, waxaana awoodeedu ay ahayd mid is bedbeddelaysay, laakiin hadda waxay wajaheysaa xaalado is-biirsaday oo adag oo isugu jira taageeradii caalamiga ahayd oo sii yaraanaysa, ciidan niyad-jabsan iyo is-qabqabsi siyaasadeed oo gudaha ah.

Dowladda waxay ku tiirsanayd maleeshiyooyinka deegaanka, ee loo yaqaan “Macawisley,” olole guuleystay oo ay qaadday sannadihii 2022-23, kaasoo ay Al-Shabaab kaga qabsatay ilaa 200 oo magaalo iyo tuulo.

Laakiin weerar celiskii kooxda ee sannadkan ayaa horseeday inay dib u qabsadaan ilaa 90 boqolkiiba dhulkii ay lumiyeen, sida uu qiyaasay Rashiid Cabdi oo ka tirsan Sahan Research, oo ah xarun cilmi-baaris.

Magaalooyin loo malaynayey inay tusaale u noqdaan xasilinta, sida Masaajid Cali Gaduud iyo Aadan Yabaal, ayaa gacanta ka baxay. Saddex buundo oo ku yaal Webiga Shabeelle, oo muhiim u ahaa saadka ciidanka, ayaa la burburiyey.

“Dhammaan dhulka ka soo bilaabma waqooyi-galbeed ilaa koonfur-galbeed ee Muqdisho, hadda waxaa si weyn u maamula Al-Shabaab,” ayuu Rashiid u sheegay AFP.

Ololihii Macawisleyda wuu burburay, ayuu yiri, sababtoo ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, “waxay ahayd mid aad ugu fashilantay la shaqaynta beelaha,” iyadoo beelo awood siisay kuwana aysan siin, taasoo ku salaysnayd eex siyaasadeed halkii ay ka ahayd baahida militariga.

“abaabulku si fiican ayuu u socday markii madaxweynuhu uu ka yimid Muqdisho si uu u bilaabo wejiga koowaad ee weerarka (sanadkii 2022). Qof walba si weyn ayuu uga qayb qaatay dagaalka… isagoo ka caawinayay ciidanka qaranka,” ayuu Maxamed Xasan, oo ah xubin ka tirsan maleeshiyada deegaanka ee Hiiraan, u sheegay AFP.

“Hadda sidii hore ma aha sababtoo ah hoggaanku mar dambe kuma lug laha, waxaana u muuqda nidaam darro ku timid sida loo abaabulo maleeshiyooyinka bulshada,” ayuu raaciyay.

Ciidanka Qaranka Soomaaliya wax yar ayay ka qabteen sidii ay u joojin lahaayeen kooxda, taasoo aan la yaab ku ahayn ciidan “weli ku jira marxalad dhismo isagoo isla markaas isku dayaya inuu dagaal galo,” ayuu yiri Maxamuud, oo ah falanqeeyaha.

Qaybtooda ugu waxtarka badan oo ah cutubka kommandooska ee “Danab” ee Maraykanku tababaray, ayaa ku fiican dilidda mintidiinta laakiin kuma wanaagsana haysashada dhulka, waxayna la kulmeen khasaare niyad-jabiyey oo soo gaaray saraakiishooda, ayuu raaciyay Rashiid.

“Waxaan bilownay inaan aragno ciidan aan kaliya shaqeynayn, laakiin sidoo kale luminaya rabitaankii dagaalka,” ayuu yiri.

Dhibaatooyinkan waxay salka ku hayaan fowdada ballaaran ee siyaasadda Soomaaliya, taasoo dalabaadka is-bedbeddelaya ee beeluhu aysan weligood horseedin wax u dhow is-afgarad qaran.

Dowladda waxay ballan-qaadday riixitaan cusub oo militari, laakiin Madaxweyne Xasan diiraddiisu waxay saarnayd qabashada doorashadii ugu horreysay ee qof-iyo-cod ah ee dalka ka dhacda sannadka soo socda.

Taasi “ma dhici doonto,” ayuu yiri diblomaasi reer Galbeed ah, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin. Xitaa Muqdisho, oo amnigeedu yahay kan ugu adag, “goob kasta oo codbixin waa la qarxin doonaa,” ayuu yiri.

“Waa nasiib darro in dareenka loo weeciyey arrimo siyaasadeed oo aan muhiimad lahayn oo aan amniga waxba u tarayn, halkii diiradda la saari lahaa xoojinta ciidamada qalabka sida,” ayuu madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed dhowaan u sheegay saxafiyiinta.

Al-Shabaab ma aysan qaadin weerar buuxa oo ay ku qaaddo caasimadda, laakiin si isdaba-joog ah ayay u muujisay joogitaankeeda.

Rasaasta goos-gooska ah ee lagu beegsado garoonka diyaaradaha ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay abid, ayuu yiri diblomaasiga, Madaxweyne Maxamuudna wuxuu si dirqi ah uga badbaaday weerar lagu qaaday kolonyadiisii meel ka baxsan madaxtooyada bishii Maarso.

Kooxda waxay sidoo kale maamushaa inta badan dhaqaalaha.

“Waxay ka canshuur badan qaaddaa dowladda. Gacmaheeda ganacsi waxay gaareen meel kasta,” ayuu yiri Rashiid. “Waa mid ka mid ah kooxaha kacdoonka wada ee ugu qanisan Afrika.”

Dhanka kale, taageerayaasha shisheeye ee dowladda ayaa ka samir-baxaya.

Midowga Yurub iyo Maraykanka waxay ku bixiyeen in ka badan $7 bilyan amniga Soomaaliya — gaar ahaan hawlgallo kala duwan oo uu hoggaaminayey Midowga Afrika — tan iyo 2007, sida lagu sheegay daraasad ay samaysay Hay’adda Daraasaadka Amniga ee Midowga Yurub.

Hawlgalkii hore ee Midowga Afrika wuxuu dhammaaday bishii Diseembar, laakiin isla markiiba waxaa qasab noqotay in lagu beddelo mid cusub — oo leh magac la soo gaabiyey oo ah AUSSOM — sababtoo ah ciidamada Soomaalida weli diyaar uma ahayn inay la wareegaan mas’uuliyadda.

“Waxa jira daal iyo niyad-jab badan oo dhanka deeq-bixiyeyaasha ah. Dadku waxay is weydiinayaan: ‘Maxaan ku iibsannay (lacagtii aan bixinnay) 10-kii sano ee la soo dhaafay?’ In la arko ciidankii oo cararaya iyo in qasab ay noqoto (in la sameeyo) AUSSOM waxay ahayd arrin aad ugu adag dadka,” ayuu yiri diblomaasiga.

Deeq-bixiyeyaasha, gaar ahaan Washington, ayaa ka caga-jiidaya inay sii wadaan maalgelinta hawlgalka Midowga Afrika.

Cumar Maxamuud wuxuu qiyaasayaa inay isku keeni doonto saddex meelood labo meelood maalgelinteeda sanadka 2025: “Ku filan in arrimuhu ay sii socdaan… laakiin waxaa iska cad inuu jiro hoos u dhac joogto ah oo xagga dhaqaalaha ah.”

Soomaaliya waxay heshiisyo la gashay saaxiibbo cusub sida Imaaraadka Carabta, Qatar iyo Masar. Turkiga ayaa geeyey ilaa 500 oo askari, oo ay taageerayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), si ay u xoojiyaan amniga Muqdisho.

Laakiin waxay danaynayaan inay ilaashadaan maalgashiyadooda sida qorshaha xarun dayax-gacmeed oo Turkigu ka hirgelinayo, ayuu yiri Cumar Maxamuud, halkii ay ka hoggaamin lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Waxaan wajahaynaa xaalad aad u madow,” ayuu yiri Rashiid Cabdi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *