Si dowladda federaalka Soomaaliya ay si dhab ah gacanta ugu dhigto una kasbato qalbiyada dadka ku nool Gedo, Jubada Hoose, iyo Jubada Dhexe, waa in ay marka hore dhisto kalsooni dhab ah oo ay muujiso taageero run ah oo ay siiso bulshooyinka ku nool gobolladaas. Gobolladan oo leh taariikh dheer isla markaana muhiim u ah istiraatiijiyadda dalka, waxay muddo dheer wajahayeen dayac iyo ka-takoorid ka timid dowladda dhexe.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wali ma uusan u istaagin si dhab ah in uu wax uga qabto baahiyaha iyo dhibaatooyinka dadka ku nool gobolladan. Ficil laโaantaas waxay sababtay in dowladda federaalka ay lumiso kalsoonida beelaha sida Sade , Shiikhaal iyo Gaaljecel oo ah beelaha ugu weyn ee degta Gedo, Jubada dhexe, iyo Jubada Hoose. Beelahan waxay markii hore muujiyeen taageero iyo rabitaan ay kula shaqeeyaan dowladda dhexe, xitaa marka la eego in qaar ka mid ah xubnahooda ay hore ula shaqeyn jireen maamulka Axmed Madoobe.
Hadda waa waqtigii Madaxweyne Xasan Sheekh uu beddeli lahaa siyaasadaha fashilmay. Haddii uu si daacad ah u doonayo in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay la wareegaan Jubbaland, waa in uu marka hore taageeraa dadka halkaas ku nool. Taageeradaas waxaa ka mid ah: ka qeybgelin siyaasadeed beelahaas la dayacay ,mashaariic horumarineed, wakiilnimo caddaalad ah, iyo dib u heshiisiin dhab ah.
Dagaalka Jubbaland ma aha mid kaliya ku saabsan awood ciidan. Waa dagaal ku saabsan kasbashada qalbiyada iyo maskaxda shacabka. Haddii aan la maalgelin gobolladan lana la shaqeyn bulshooyinka deegaanka, dowladda dhexe ma guuleysan doonto marka ay la tartamayso Axmed Madoobe, oo wali si kaligiis taliye ah u maamula Jubbaland.
Waa waqti muhiim ah. Madaxweyne Xasan Sheekh waa in uu dib u eegaa siyaasadihiisii hore ee guuldarreystay, wuxuuna u baahan yahay in uu tuso dadka ku nool Gedo, Jubada Hoose, iyo Jubada Dhexe in codkooda muhiim yahay, in dhibaatooyinkooda la arko, iyo in mustaqbalkooda uu qayb ka yahay riyo qaran oo Soomaaliyeed.
Mudugpost-
