Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay dagaalka mar kale ka qarxay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaasi oo masโuuliyadiisa ku eedeysay hoggaamiyaha Jubbaland.
Wasaaradda Amniga Gudaha oo uu kasoo baxay war-saxaafadeedkan ayaa waxay si adag u cambaareysay daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed, oo ay sheegtay inuu si macno darro ah u daadinayo Axmed Madoobe.
โEedaysanuhu wuxuu markale colaad ka huriyay gobolka Gedo isaga oo maleeshiyaad ka amarqaata faray in ay weeraraan xaruumo ciidanka qaranka iyo goobo shacbi ah magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo maanta oo Jimce ah,โ ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Dowladda Soomaaliya ayaa wacad ku martay la-xisaabtanka Axmed Madoobe iyo shaqsiyaadka ku gacan siinaya dagaalka, iyadoo ugu yeertay โdambiile doonaya inuu ballaariyo danbiyada uu faraha kula jiroโ.
โWeerarkaan oo sababay in ay naftooda si micno darro ah ku waayaan muwadiniin
Soomaaliyeed waa mid uu doonayo eedaysanuhu in uu ku balaariyo danbiyada uu faraha kula jiro kuna sii kala dilo dadka reer Jubaland guud ahaan gaar ahaan shacabka goโaan Gedo oo uu muddo dheer ku hayay falal xadgudub ah,โ ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale waxaa lagu yiri: โDowladda Federaalka ah waxaa ka goโan in lala xisaabtamo danbiilayaasha uu ugu horeeyo Eedaysane Madoobe iyo inta kala qayb-qaadata fal-danbiyeedkiisa.โ

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa ugu baaqday shacabka reer Jubaland gaar ahaan reer Gedo in ay meel uga soo wada jeestan, kana digtoonaadaan falalka hoggaamiyaha Jubbaland iskug dayayo in uu ku ballaariyo danbiyada uu faraha kula jiro, sida lagu yiri war-saxaafadeedka.
โWasaaradda Amniga iyada oo kaashanaysa Hayโadaha Sharciga waxay la socotaa cidkasta oo ku lug yeelata danbiyada oo ku galayo magaca shacabka Jubaland eedaysanuhu iyada oo la diwaan-galiyay shaqsiyaad kale oo qayb ka ah daadinta dhiigga muwaadininta iyo ku xadgudubka xuquugdooda,โ ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Amiga Gudaha ee Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ayaa ku eedeysay Axmed Madoobe inuu yahay dambiile gacanta kula jira fal-danbiyeedyo cad, waxayna sheegtay inay ka hortageyso xad-gudubyada noocaan ah, iyadoo dambiilayaasha aan fursad loo siinayn in ay sii wadaan danbiyadooda.
