Dowladda Soomaaliya maamulka Puntland ku eedeysay afduub iyo xad-gudub lagula kacay sida ay sheegtay markabka SEA WORLD oo dhawaan laga qabtay xeebaha Puntland, kaasoo waday hub iyo gaadiid dagaal.
Dowladda ayaa sheegtay in Markabkan uu u rarnaa xarunta tababarka ciidamada ee TURKSOM, sida ku cad heshiisyada iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dowladda Turkiga. Waxay sidoo kale Dowladdu sheegtay inay saarnayd alaabo ganacsi oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qabsashada markabkan uu yahay xad-gudub ka dhan ah dastuurka dalka, isla markaana dhaawac ku ah midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladdu waxay dalbatay in si degdeg ah oo shuruud laโaan ah loo sii daayo markabka SEA WORLD, maaddaama sida ay sheegtay uu siday agab ciidan oo muhiim u ah amniga guud ee dalka. Sidoo kale, waxay uga digtay maamulka Puntland in uu sii wado hawlgallo sharci-darro ah oo ka socda xeebaha, iyadoo ugu baaqday in lala shaqeeyo dowladda dhexe si loo xaqiijiyo badqabka maraakiibta ku shaqeysa biyaha Soomaaliya.
Waxay sheegtay dowladdu in ay qaadayso tallaabooyin sharci ah oo lagaga hortegayo meelaha xeebaha ah ee u adeegaya falalka burcadnimada, si loo ilaaliyo maraakiibta si sharci ah ugu safarta biyaha Soomaaliyeed.
Waa markii ugu horraysay oo ay Dowladda Soomaaliya ka hadasho Markabkan muddo asbuuc ah kaddib. Wuxuuna kusoo beegmay xilli ay Puntland waddo baaritaan ku saabsan markabka iyo shixnadaha uu wado.
Puntland waxay dhawaan sheegtay in markabkan hubka sida uu si sharci-darro ah ugu sugnaa biyaha xeebaha Bareeda muddo labo maalmood ah, taasoo keentay falcelin degdeg ah oo ay qaadday.
Puntland waxay sheegtay in markabkani uu ku sugnaa meel dhowaanahan ay ka dhaceen dagaallo lagula jirey kooxaha argagixisada caalamiga ah ee Daacish (ISIS), taasoo sida ay sheegtay sii kordhisay walaaca ku saabsan ujeeddada dhabta ah ee markabka.
