Degmada Balanballe iyo Xaaladda Moqokori

Balanballe – Wararka laga helayo degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhigga booliska degmadaas habeenimadii xalay.

Waxaa dhacay iska hor imaad kooban oo dhexmaray dableydii weerarka soo qaaday iyo ciidanka saldhigga degmada. Lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in raggii weerarka soo qaaday ay dib uga carareen saldhigga, iyadoo hadda xaaladda ay deggan tahay islamarkaana uu ciidanka amniga gacanta ku hayo goobtii weerarku ka dhacay.

Dhacdadan ayaa imaneysa xilli ay wali jiraan dareenno amni oo xooggan oo ka jira gobollada dhexe, gaar ahaan kadib weerar culus oo Al-Shabaab ay labo maalmood kahor ka fuliyeen degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Weerarkaas, oo dhacay waaberigii hore, ayaa socday saacado badan, waxaana ugu dambeyn Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta degmada. Tani ayaa dhalisay eedeymo xoogan oo loo jeedinayo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Siyaasi Cabdi Barre Jabriil, oo horey u ahaa xildhibaan, ayaa wareysi uu siiyay Shabelle ku eedeeyay dowladda federaalka ah inay ka gaabisay mas’uuliyadda ka saarneyd difaaca degmada Moqokori. Wuxuu carabka ku adkeeyay in jabka soo gaaray ciidanka uu ka dhashay dayac amni, mas’uuliyad la’aan iyo isla xisaabtan la’aan.

“Dowladdu waa inay qaadataa mas’uuliyadda wixii ka dhacay Moqokori. Ciidanka waxaa la dayacay, waana sababta keentay in magaalada laga qabsado,” ayuu yiri Cabdi Barre Jabriil.

Hadalka siyaasigan ayaa imaanaya iyadoo wali kooxda Al-Shabaab ay si buuxda gacanta ugu hayaan degmada Moqokori, halkaasoo laga soo sheegayo cabsi iyo barakac ay wajahayaan shacabka deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *