Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha garoon diyaaradeed casri ah, deked cusub iyo mashaariic kale oo muhiim ah oo laga hirgelinayo deegaanka Haawaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Mashaariicdan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka ee lagu xoojinayo horumarka gobolka, kor u qaadista isku xirka gobollada, iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee shacabka ku nool bartamaha dalka.
“Mashaariicdan waa muujinta ballanqaadkeena ku aaddan dib-u-dhiska dalka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. “Garoonka diyaaradaha iyo dekedda cusub waxay fure u noqon doonaan koboca dhaqaale ee gobolka iyo fududeynta isu socodka iyo ganacsiga.” Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa muddo dheer la daalaa-dhacay dhibaatooyin amni, saboolnimo iyo baahi dhanka adeegyada bulshada ah. Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in dhismaha kaabeyaashan dhaqaalaha uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu doonayo in adeegyada dowladnimo loo gaarsiiyo deegaannada fog-fog.
Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin waqtiga rasmiga ah ee dhammeystirka mashaariicdan, hadana mas’uuliyiintu waxay sheegeen in qorsheynta iyo uruurinta khayraadka la bilaabay, isla markaana ay jiraan wadashaqeyn lala yeelanayo beesha caalamka si loo hirgeliyo dhismayaashan muhiimka ah. Munaasabaddan ayaa ku soo beegmeysa xilli Soomaaliya ay wado dadaallo baaxad leh oo dib-u-habeyn amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ah si looga gudbo culeysyada taariikhiga ah ee dalka ka jiray.