Headlines

Madaxweynaha Somaliland oo saaka u safray dalka Boqortooyada Qatar

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa saaka safar ugu baxay dalka Boqortooyada Qatar, waxaana uu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland ee dalkaas booqda.

Ilaa hadda, madaxtooyada Somaliland kamay hadal safarkan, mana cadda ujeeddada rasmiga ah ee safarka, hase yeeshee waxa la filayaa inuu la xidhiidho arrimo dhaqaale, maadaama madaxweynuhu muddooyinkii u dambeeyay ka raadinayay waddamada Carabta fursado maalgashi.

Safarka waxa ku weheliya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo Lataliyaha Gaarka ah ee Arrimaha Dhaqaalaha.

Safarkani waxa uu ku yimi si lama filaan ah, maadaama aanu hore u jirin xidhiidh rasmi ah oo ka dhaxeeyay Somaliland iyo Qatar, oo ka mid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya ku leedahay waddamada Khaliijka.

Waxa la xasuustaa in Somaliland ay sanadkii 2017 la safatay waddamada Imaaraatka Carabta iyo Boqortooyada Sacuudiga, xilligaas oo ay dalalkaasi cunaqabatayn siyaasadeed iyo dhaqaale kusoo rogeen dalka Qatar.

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo markaa safar ku joogay Imaaraatka Carabta, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in Somaliland ay garab taagan tahay Imaaraatka, isla markaana ay taageersan tahay cunaqabataynta lagu soo rogay Qatar, oo lagu eedeeyay inay maalgeliso argagixisada.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha xidhiidhka dhow la leh Soomaaliya, arrintaasina oo laga yaabo inay adkayso in Dooxa iyo Hargeysa yeeshaan xidhiidh diblumaasiyadeed oo rasmi ah ama ay is-weydaarsadaan xafiisyo matalaadeed.

Haddaba, waxa la sugayaa sida loo qaabilo Madaxweynaha Somaliland iyo natiijooyinka kasoo baxa safarka uu ku tegay Qatar, oo ah dal aan hore xidhiidh ula lahayn Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *