
Doha – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iiraan iyo Israa’iil ay isku raaceen xabbad-joojin “dhameystiran oo guud” taas oo dhaqan geli doonta saacadaha soo socda.
Ku dhawaaqista Trump ee Isniintii ayaa timid wax yar ka dib markii Iiraan ay gantaal ku soo ridday saldhigga ciidamada Mareykanka ay degan yihiin ee Al Udeid Air Base ee Qatar.

“Annagoo ka duulayna in wax walba ay u shaqeyn doonaan sidii ay tahay, taasoo dhici doonta, waxaan jeclaan lahaa inaan labada Dal, Israa’iil iyo Iiraan, ugu hambalyeeyo adkeysiga, geesinimada, iyo garaadka ay ku soo afjareen, waxa loo yaqaan ‘DAGALKA 12 MAALMOOD AH’,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.
“Kani waa dagaal socon kari lahaa sanado, oo burburin kari lahaa Bariga Dhexe oo dhan, laakiin ma dhicin, weligana ma dhici doono! Ilaah ha barakeeyo Israa’iil, Ilaah ha barakeeyo Iiraan, Ilaah ha barakeeyo Bariga Dhexe, Ilaah ha barakeeyo Maraykanka, iyo ILAHAAY HA BARAKEEYO ADDUUNKA!”
Midna Israa’iil iyo Iiraan midna ma xaqiijin heshiiska.
DONALD J. TRUMP
MADAXWEYNAHA MARAYKANKA
HAMBALYO DADWEYNAHA OO DHAN! Waxaa si buuxda layskula qaatay, lana isku afgartay in ay jiraan xabbad-joojin dhameystiran oo rasmi ah oo u dhaxeysa Israโiil iyo Iiraan (qiyaastii 6 saacadood laga bilaabo hadda, marka Israโiil iyo Iiraan ay dhameeyaan howlahooda ugu dambeya!), oo socon doonta 12 saacadood, taas oo markii la gaaro la oran doono dagaalkii wuu dhammaaday! Si rasmi ah, Iiraan ayaa bilaabi doonta xabbad-joojinta, marka la gaaro saacadda 12aad Israaโiil ayaa bilaabi doonta xabbad-joojinta, marka la gaaro saacadda 24aadna waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa dhammaadka โDAGAALKII 12 MAALMOOD,โ oo ay dunidu wada bogaadin doonto.
Inta lagu guda jiro muddada xabbad-joojinta, labada dhinac waxaa laga filayaa in ay nabadgelyo iyo ixtiraam muujiyaan. Iyadoo la rajeynayo in wax walba u socdaan sida la qorsheeyay (taasoo dhici doonta), waxaan jeclaan lahaa in aan u hambalyeeyo labada dal ee Israaโiil iyo Iiraan, sida ay u muujiyeen adkaysi, geesinimo, iyo garaad si ay u joojiyaan waxa loo bixiyay โDAGAALKII 12 MAALMOOD.โ Tani waxay ahayd dagaal socon lahaa sanado badan, burburin lahaana Bariga Dhexe, laakiin arrintaas ma dhicin, mana dhici doonto waligeed!
Ilaahay ha barakeeyo Israaโiil, Ilaahay ha barakeeyo Iiraan, Ilaahay ha barakeeyo Bariga Dhexe, Ilaahay ha barakeeyo Mareykanka, ILAAHAYNA HA BARAKEEYO ADUUNKA!
DONALD J. TRUMP
MADAXWEYNAHA MARAYKANKA