Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shirkii gogoshada wadatashiga qaran ee afartii cisho ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho kaa uu isniintii lasoo dhaafay furay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qeyb galay madaxda Dowladda, Siyaasiyiin, Ururada Siyaasadda ee ka diiwan gashan Guddiga Doorashooyinka.

Shirkaan waxaa laga diirada lagu saaray dhowr arrimoo oo ay ugu horeeyeen midnimada iyo dib u heshiisinta dalka, amniga iyo dhameystirka Dastuurka, dagaalka Kooxda Al-shabaab iyo arrimaha Doorashooyinka.
War Murtiyeedka laga soo saaray Shirkaan waxa qodobada ugu muhiimsan kamid ahaa in dib loo bilaabo wada hadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland loona midoobo isku day kasta oo dalka lagu kala qeybinayo.
Sidoo kale Madaxdii gogoshaan ka qeyb galay ayaa isku raacay in la sii joogteeyo dagaalka Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, iyadoo la garab istaagayo ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda sida lagu xusay War murtiyeedka laga soo saaray Shirka.
War murtiyeedka ayaa lagu soo hadal qaaday in dhameystirka Dastuurka uu yahay waajib iyo ahmiyad Qaran, waxaana ay gogosha ku talisay in wada hadal lagu dhameeystiro heshiisyada iyo xeerarka gundhiga u ah Fadaraleeynta dalka iyo Dastuurka.
Sidoo kale Gogosha waxa ay isla qaateen in Doorasho dad ban aan dib looga noqon, iyadoo lagu dayanaayo Maamulada Somaliland iyo Puntland, waxaana ay madaxda Gogosha ka qeyb galay ay dhiirigeliyeen inay sii socdaan wada hadalada heshiis dhameystiran oo loo dhan yahay looga gaarayo labada heer ee dowlad goboleedyada iyo mida Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.
Ugu dambeeyntii, waxa Warmurtiyeedka lagu xusay in gogosho uu fididyay madaxweynaha ay sii furnaan doonto ayna siyaasiyiinta wali kamaqan ay soo ajiibaan si loo dhameystiro geedi socodka wada hadalada lagu dhameystiraayo ajendayaasha qaran ayna noqdaan kuwa Soomaali ay ka tashato kana maran faragelin Shisheeye.
