Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyay kulanka maalintii labaad ee Gogosha Wadatashiga Qaran oo ka socota magaalada Muqdisho, isagoo si qoto dheer uga hadlay siyaasadda guud ee Xukuumadda “DanQaran” ee dhinacyada midnimada, amniga, doorashooyinka, dastuurka, dowlad-dhiska, iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad xasaasi ah, loona baahan yahay midnimo qaran iyo wadajir bulsho si looga gudbo caqabadaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee horyaalla dalka.

“Soomaaliya waxay maraysaa xilligii loo guuri lahaa siyaasad ku dhisan mabaadii’, fursadna loo siin lahaa in muwaadinka Soomaaliyeed uu wax doorto oo la doorto,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha, isagoo xusay in gogosha wadatashiga ay tahay mid loo furay dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in ummadda Soomaaliyeed ay isku duubnaato si loo ciribtiro Alshabaab, loo hirgeliyo doorashooyin hufan, loona dhameystiro dastuur qaran oo mideeya ummadda.

“Caqabadaha naga horreeya ma fududa, howshana ma yara. Dhinac waxaan ka wajahaynaa cadow halis ku ah diinteenna, dhaqankeenna, dowladnimadeenna iyo jiritaankeena ummadeed,” ayuu yiri, isagoo intaasi ku daray:

“Dhinaca kale waxaan ku jirnaa dhisidda dowlad dimuqraadi ah oo leh dastuur dhammeystiran, iyo xaqiijinta midnimada iyo gobonnimada dalkeenna. Sidaas darteed, gacanna cadowgeenna ayaan kula dagaaleynaa, gacanna Qaranka ayaan ku dhisaynaa.”

Shirka wadatashiga ayaa la filayaa in uu horseedo is-afgarad guud oo ku saabsan jihada siyaasadeed ee dalka, iyadoo lagu wado in laga soo saaro war-murtiyeed rasmi ah maalmaha soo socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *