
Dalka Iran ayaa dalbaday kulan deg deg ah oo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu yeesho, iyadoo dalal badan ay cambaareeyeen weerarka Israaโiil kuna baaqeen deganaan iyo in xiisadda la dejiyo.
DUBAI, Imaaraadka Carabta โ Israaโiil ayaa Jimcihii weerar culus ku qaaday xarumaha ugu muhiimsan ee nukliyeerka iyo ciidamada milatari ee dalka Iran, iyadoo adeegsatay diyaarado dagaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo la sheegay in si qarsoodi ah dalkaas loogu geliyey.
Weerarkan ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo istiraatiji ah, iyadoo la dilay saraakiil sare iyo saynisyahano Iran u shaqaynayey. Israaโiil waxay sheegtay in weerarka uu ahaa lama huraan si looga hortago in Iran ay gaarto horumar buuxa oo dhinaca hubka nukliyeerka ah.
Hawlgalkaas milatari iyo sirdoon ee socda ayaa khatar geliyey in dagaal toos ah oo buuxa uu qarxo, taas oo xaaladda gobolka oo horey u kacsaneyd u sii sii xumeysay.
Iran ayaa si deg deg ah uga jawaabtay weerarka, iyadoo duqeysay Israaโiil kuna beegtay weerarro diyaarado drone ah. Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa ku hanjabay โciqaab daran.โ Maalin ka hor weerarka, hayโadda kormeerka nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay Iran kadib markii ay ku guuldarreysatay inay raacdo heshiisyada looga hortagayo samaynta hubka nukliyeerka.
Weerarkan ay Israaโiil qaaday ayaa ahaa mid ay muddo dheer ku hanjabaysay, balse Maraykanka ayaa dadaal badan ku bixiyey sidii looga baajin lahaa, iyadoo laga baqayey inuu sababo dagaal ballaaran oo ka dhaca Bariga Dhexe.
Si kastaba, dhacdooyinkii ka dambeeyey weerarkii Hamas ay qaaday 7-dii Oktoobar 2023 iyo dib-u-doorashadii Madaxweyne Donald Trump ayaa sameeyey duruufo cusub oo Israaโiil u oggolaatay inay u gudubto ficil.
Masโuuliyiin Maraykan iyo Israaโiili ah ayaa sheegay in Israaโiil ay horay ugu sheegtay maamulka Trump weerarkan weyn inuu soo socda, balse arrintaasi waxay ahayd mid si gaar ah loo wadaagay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa warqad uu u diray Golaha Ammaanka ku tilmaamay weerarka Israaโiil iyo dilka saynisyahannada โargagixiso dowladeedโ isagoo xaqiijiyey in dalkiisu leeyahay xaq buuxa oo is-difaac. Wuxuu yiri: โIsraaโiil si qoto dheer ayay uga shallayn doontaa gardarrada ay gashay iyo khaladkeeda istiraatiijiyadeed.โ
Ciidamada Israaโiil ayaa sheegay in 200 oo diyaaradood ay ka qayb qaateen weerarka koowaad oo lagu beegsaday in ka badan 100 bartilmaameed. Sirdoonka Israaโiil ee Mossad ayaa diyaariyey diyaarado wax qarxinaya iyo hub sax ah oo gudaha Iran laga dhigay si loogu dhufto nidaamka difaaca cirka iyo gantaallada ku yaalla meel u dhow Tehran.
Mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee la weeraray ayaa ahayd xarunta ugu weyn ee nadiifinta nukliyeerka ee Natanz, halkaasoo qiiq madow laga arkayey. Israaโiil waxay sidoo kale sheegtay in ay burburisay tobannaan raadaar iyo saldhigyo gantaallo ka rida cirka ee galbeedka Iran.
Afhayeenka militariga Israaโiil, Jeneraal Effie Defrin, ayaa sheegay in xarunta Natanz ay si weyn u burburtay, islamarkaana howlgalka uu โwali bilow yahay.โ
Masโuul kale oo Israaโiili ah ayaa sheegay in weerarka koowaad uu Israaโiil siiyey โxorriyad badan oo ay ku dhaqaaqdo hawada Iran,โ taasoo u sahli karta weerarro dheeri ah. Wuxuu intaas ku daray in Israaโiil ay diyaar u tahay in hawlgalku socdo ilaa laba toddobaad, inkastoo aan la cayimin waqti rasmi ah oo uu ku eg yahay.
Saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan milatariga Iran ayaa lagu dilay weerarka: General Mohammad Bagheri (taliyihii guud ee ciidamada), General Hossein Salami (hogaamiyihii Ilaalada Kacaanka), iyo General Amir Ali Hajizadeh (madaxa barnaamijka gantaallada ballistikada). Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijisay dhimashadooda.
Arbacadii, Maraykanka ayaa dib u qaaday qaar ka mid ah diblomaasiyiintiisa jooga Baghdad, wuxuuna oggolaaday in qoysaska ciidamada Maraykanka ee ku sugan Bariga Dhexe ay si iskood ah u baxaan. Jimcihii, Maraykanka ayaa bilaabay in uu isbeddel ku sameeyo joogitaanka ciidan ahaan ee gobolka, iyadoo laga jawaabayo weerarka Israaโiil.
Isha: AP