Siyaasiinta Mucaaradka ku midoobay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed (MSS) waa dhigga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

Mucaaradnimada waa xil wadani ah oo saaran muwaadinka u heelloon, una istaagi kara gudashada xilkaas oo u baahan nafti huridnimo, dadaal badan, xirfad, aqoon, xiriir ballaaran, waqti, karti, iyo dhaqaale xoog leh. Sidaa darted, ka mid noqoshada MSS waxay u baahan tahay rabitaan wada shaqeyn, isku kalsoonaan, iyo u hogaansanaan mabda’a wadaagga hadafka guud ee mucaaradka ku heshiiyaan.

MSS waxay sahleysa ka wada shaqeynta mideynta talada mucaaraadka hormudka ah, rasmiga ah. Shaqada siyaasinta mucaaradka waa ka duwan tahay tan warbaahinta Madaxabannaan, falanqeeyayaasha iyo khubarada siyaasadda, iyo nafleyda barasha bulshada.

Gogosha Madaxweyne Xassan ma ahan gogol uu dhigay dhinac ka baxsan dhinacyada is khilaafsan. Madaxweyne Xassan waa eedeysane gogol dhigaya. Mucaaradka khasab kuma ahan inay ka qayb galaan gogol uu maamulayo eedeysanaha. Waa la soo dhaafay waqtigii kalsoonida iyo tixgelinta la siinayay Madaxweynaha waayo waxaa horey looga qayb galay kulammo igu sawir, been abuur, iyo marin habaabin loo adeegsaday. Waxaa lumay kalsoonidii lagu qabay daacadnimada iyo xilkasnimada Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka.

Warmurtiyeedka MSS wuxuu daaha ka qaaday eedaha culus ee loo jeediyay Madaxweyne Xassan, taaso u diideysa inuu keligiis noqdo gogol maamule.

Xeerka Gogosha waa inay isku af gartaan Madaxda Dowladda federaalka, dowlad Goboleedyada iyo MSS ka hor qabashada waqtiga kulanka.

MSS waxay galeysa gef weyn haddii ay ka qayb gasho Shirka 15 Juun 2025, waayo waxay wiiqeysa eedaha culus ee warmurtiyeedka 31 Maajo 2025 ku faahfaahsan. Tala soo jeedinta MSS ee ku xusan qodobka 8 ee warmurtiyeedka waxay sheegeysa:

“in madaxda dowladda federaalka, madaxda dowlad goboleedyada, iyo siyaasinta mucaaradka kulan degdeg ah isugu yimaadan si dalka looga samatabixiyo halista argagixisada, loona mideeyo awoodda iyo abaabulka looga hortagayo dullaanka argagixisada, xalna looga gaarayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay dastuurka la beddelay, doorashooyinka aan heshiiska lagu aheyn, maareynta hannaanka dhaqaalaha iyo heshiisyada kheyraadka dabiiciga ah.”

Xubnaha MSS waa inaysan ku hafan ama ku jaahwareerin cadaadis ama talooyin jacbur ah ee ka yimaada Beesha Caalamka ama brobaganka Nafleyda Baraha Bulshada.

Ururrada siyaasadeed ee dhowaan is diiwan geliyay waxaa la gudboon inaysan daadka iyo daneysiga is raacin, kana fiirsadaan kaalinta ku habboon inay galaan oo ah inay garab u noqdaan dowladda federaalka ama Mucaaradka. Marxaladdaan ma jirto kaalin 3aad ee u bannaan Ururradaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *