Dowladda Soomaaliya oo ka Laabatay Mamnuucidii Baasaboorka Taiwan, Doowlad aan go’aan gaarin karin – Markii horena ku fududaatay

WASHINGTON — Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka laabatay mamnuucidii dhawaan ku sameysay baasaboorrada Taiwan, tallaabo la rumeysnaa inay halis gelin karto booqashada wasiirka arrimaha dibedda ee Taiwan uu ku tagi lahaa Somaliland.

Troy Fitrell, oo ah mas’uul sare ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, ayaa toddobaadkan ka sheegay Aqalka Senate-ka in Muqdisho ay ka noqotay amarkii hore ee mamnuucayey isticmaalka dokumentiyada safarka ee Taiwan.

“Waxaan ku faraxsanahay in dowladda Soomaaliya ay ka noqotay mamnuucista baasaboorrada Taiwan oo ay dib u aqoonsatay dokumentiyada safarka ee Taiwan,” ayuu yiri Fitrell mar uu ka hadlayay dhageysi rasmi ah oo ka dhacay Senate-ka.

Fitrell wuxuu ka digay in dalalka faraha gelinaya xiriirka diblomaasiyadeed ee Taiwan ay muujinayaan inaysan diyaar u ahayn inay la falgalaan dunida xorta ah, isla markaana arrintaasi dhaawaceyso xiriirkooda la leh Washington. “Taiwan waa xubin mas’uul ah oo ka tirsan beesha caalamka. Sida dal u wajahayo Taiwan waxay tilmaamaysaa haddii uu doonayo xiriir dhab ah oo uu la yeesho Mareykanka,” ayuu raaciyay.

Mamnuucidda baasaboorka Taiwan ee si kooban uga dhaqan gashay Soomaaliya waxay keentay caro ka dhex dhalatay Kongareeska Mareykanka, halkaas oo xildhibaano badan ay walaac ka muujiyeen in saameynta Shiinaha ee Soomaaliya ay si toos ah u wiiqayso xiriirka Somaliland la leedahay dalalka Reer Galbeedka, Israa’iil iyo Taiwan tan iyo sanadkii 2020.

Senatarro badan ayaa su’aalo ka keenay in Mareykanku uu bilaabo xiriir rasmi ah oo uu la yeesho Somaliland si uu uga hortago saameynta sii kordhaysa ee Shiinaha ku leeyahay Geeska Afrika. Fitrell wuxuu ku jawaabay in Washington “diyaar u tahay inay la shaqeyso cid kasta oo doonaysa inay la macaamisho dunida xorta ah.”

Khilaafka diblomaasiyadeed wuxuu bilaabmay markii Soomaaliya ay mamnuucday baasaboorrada Taiwan, kadib markii la shaaciyay qorshe ah in wafdi sare oo ka socda Taiwan ay booqanayaan Hargeysa. Taiwan ayaa markaas jawaab ahaan u sheegtay in iyaduna ay xadidi doonto baasaboorrada Soomaaliya.

Shiinaha ayaa si farxad leh u soo dhaweeyay go’aankii Soomaaliya, wuxuuna u arkay taageero buuxda oo lagu garab istaagayo siyaasaddiisa “Hal Shiinah”. Labada dal — Shiinaha iyo Soomaaliya — waxay u arkaan Taiwan iyo Somaliland inay hoos yimaadaan midnimadooda qarameed, waxayna si wadajir ah uga shaqeeyeen sidii loo hor istaagi lahaa xiriir rasmi ah oo dhexmara Hargeysa iyo Taipei.

Xildhibaanno Mareykan ah ayaa uga digay Soomaaliya in ay wajihi karto cawaaqib siyaasadeed iyo dhaqaale oo ka dhasha Sharciga TAIPEI (Taiwan Allies International Protection and Enhancement Initiative), oo la meel mariyay sanadkii 2020, kaasoo Mareykanka siinaya awood uu kaga jawaabo dalalka wiiqaya haybadda caalamiga ah ee Taiwan.

Diblomaasiyiin dhowaan la shaqeyn jiray maamulkii madaxweynihii hore Donald Trump ayaa iyaguna sheegay in xiriir sii xoogeysanaya oo Soomaaliya la yeelato Shiinaha xilli ay Taiwan ka jeesanayso uu khatar ku yahay xiriirka ay la leedahay Mareykanka.

Mareykanka wuxuu sii wadaa inuu Taiwan u arko lammaane dimuqraadi ah oo muhiim ah gobolka Indo-Pacific, inkasta oo aanu si rasmi ah u aqoonsanayn dowlad madax-bannaan. Somaliland, oo ku dhawaaqday madax-bannaanideeda 1991, ayaa kasbatay indhaha Reer Galbeedka iyadoo loo arkayo xulafo xasilloon oo istaraatiji ah ku leh gobolka Geeska Afrika ee qalalaasaha badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *