Dowladda Soomaaliya oo Dhoolatus Ciidan Ka Samaysay Balad-Xaawo, gobolka Gedo

Balad-Xaawo, Gedo – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo horleh ka bilowday gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Balad-Xaawo, halkaas oo maanta lagu qabtay dhoolatus iyo bandhig ciidan oo ay sameeyeen saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidamo si buuxda u hubeysan, kuwaas oo wata qoryo culus iyo kuwa fudud, ayaa lagu soo bandhigay degmada Balad-Xaawo, taasoo muddooyinkii dambe ay ka jirtay xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysa maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Ciidamadan, oo ay dowladda horey ugu dirtay degmada, ayaa la sheegay in loo diyaariyay sugidda amniga guud ee gobolka Gedo, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo degmada Balad-Xaawo, halkaas oo hadda ay ku sugan yihiin ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Sida laga soo xigtay saraakiisha dowladda, ciidamadaan ayaa lagu wargeliyay inay u diyaar garoobaan la wareegidda degmooyinka gacanta uga maqan dowladda dhexe, kuwaas oo haatan ay maamulaan Jubbaland, iyadoo qilaafka siyaasadeed ee labada dhinac uu wali taagan yahay.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay bandhigga ciidanka ayaa sheegtay in cutubyadan milatari ay yihiin kuwo si gaar ah loogu tababaray la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab, oo weli ku sugan deegaano badan oo ka tirsan gobolka Gedo. Dowladda ayaa intaas ku dartay in howlgal ballaaran oo ka dhan ah kooxdaasi uu dhowaan ka billaaban doono gobolka.

Ciidamada la soo bandhigay waxaa hoggaaminayay Taliyaha Guutada 10-aad ee Qaybta 43-aad, Col. Cismaan Sheekh Cabdi Qorax. Taliyaha ayaa halkaas khudbad dhiirrigelin ah u jeediyay ciidamada, isagoo ku amray inay ilaaliyaan shacabka iyo amniga degmada, isla markaana ay u diyaar garoobaan dagaallo qorsheysan oo lagula xisaabtamayo haraadiga Al-Shabaab.

Col. Qorax wuxuu bogaadiyay heeganka iyo geesinimada ciidamada, isagoo xusay in difaaca shacabka uu yahay waajib qaran, isla markaana hoggaanka ciidanku uu garab taagan yahay dhammaan cutubyada, lagana shaqeyn doono horumarinta degmada si howlgalladu u guuleystaan.

Dhanka kale, maamulka Jubbaland weli wax war ah kama soo saarin dhoolatuska ciidamada ee maanta laga sameeyay Balad-Xaawo, halkaas oo ciidamo kale oo ka tirsan Jubbaland ay weli ka joogaan, iyagoo ku sugan qaybo ka mid ah degmada. Waxaa laga cabsi qabaa in iska hor imaad uu ka dhex dhaco labada ciidan, maadaama ay kala joogaan labada cirif ee magaalada, mid walbana uu doonayo inuu la wareego sugidda amniga degmada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay qorsheyneyso in mar kale ay tallaabo ka qaado ciidamada Jubbaland ee ku sugan Balad-Xaawo, taasoo haddii ay dhacdo laga yaabo inay si weyn uga hor imaadaan dadaallada lagu doonayo in dib loogu soo celiyo Madaxweyne Axmed Madoobe oo muddooyinkii dambe ka maqnaa goobaha laga maamulo gobolka Gedo.

Xiisaddan cusub ayaa ah mid halis ku ah xasilloonida gobolka, iyadoo la xasuusto dagaalladii hore ee labada ciidan ku dhex maray qaybo ka mid ah gobolka Gedo, taasoo sababtay khasaare naf iyo maalba leh. Wariyeyaasha ku sugan Gedo ayaa sheegaya in xaaladda magaalada Balad-Xaawo ay hadda tahay mid kacsan, shacabka deegaankana ay cabsi ka qabaan dagaal cusub oo dhaca.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *