Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti, ayaa maanta gaaray magaalada taariikhiga ah ee Carta, halkaas oo uu kormeer ku tagay goobo muhiim ah oo xusuus gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed.
Magaalada Carta ayaa caan ku ah martigelinta shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhacay sannadkii 2000, kaas oo horseeday dhismaha Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday halkii uu shirku ka dhacay, halkaas oo hadda laga hirgeliyey madxaf qaran oo keydinaya taariikhdii iyo dukumentigii shirkaasi, iyo wejiyadii kala duwanaa ee wadahadalladaasi mareen.
Mudane Xamsa ayaa ku tilmaamay Carta “xarun taariikhi ah oo dhaxal u leh ummadda Soomaaliyeed,” isagoo si gaar ah ugu mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti doorkii ay ka qaateen dib u dhiska iyo heshiisiinta Soomaaliya.
“Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxay Carta uga dhalatay rajo iyo wadajir. Dhismaha madxafkaan wuxuu damaanad u yahay in jiilasha dambe ay helaan raad taariikheed oo ku saabsan halka ay ka yimaadeen iyo jihada ay u socdaan,”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Booqashadan ayaa imanaysa xilli xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu gaaray heer istiraatiji ah, iyadoo labada dal ay si dhow uga wada shaqeynayaan arrimo amni, dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo goboleed.
