
Mucaaradka oo sameystay isbaheysi cusub: Xalka miyaa laga sugayaa mise waa damac siyaasadeed?
Xogaha laga helayo ilo wareedyo siyaasadeed ayaa muujinaya in kooxaha mucaaradka ee Soomaaliya ay sameysteen isbaheysi cusub oo ballaaran, kuna wajahan dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Isbaheysigan cusub ayaa sheegaya inuu leeyahay qorshe siyaasadeed oo la jaanqaadaya xaaladda dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka iyo arrimaha doorashooyinka.
Mucaaradkani waxay isku dayayaan in ay muujiyaan in ay yihiin xoog siyaasadeed oo ka duulaya danta guud. Balse su’aasha shacabka Soomaaliyeed ay isweydiinayaan ayaa ah: Ma yihiin shaqsiyaad haya xal dalka uga saari kara dhibaatooyinka jira? Mise waa kooxo kale oo dano gaar ah wata, sida kursiga uu hadda ku fadhiyo Madaxweynaha?
Waxaa xaqiiqo ah in mucaaradkani aysan wax badan kaga duwanayn Madaxweynaha ay mucaaradkooda ku beegsanayaan. In badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaashooda ayaa horey xilal u soo qabtay, isla markaana qayb ka ahaa xasaradaha iyo burburkii siyaasadeed ee dalka ka jiray. Sidaa darteed, dadka qaar waxay u arkaan dadaalkooda mid u badan damac siyaasadeed oo ku saleysan hunguri kursi, halkii laga filan lahaa xal waara oo qaran.
Mucaaradka hadda samaysmay waxa laga rabaa in ay ka jawaabaan su’aalo muhiim ah: Maxay ka beddeli doonaan nidaamka hadda jira? Maxay kaga duwan yihiin Xasan Sheekh? Miyay la imaan doonaan hufnaan, daahfurnaan iyo xalal muuqda oo wax looga qaban karo arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo dhibaatooyinka nololeed ee shacabka haysta?
Waqtigu ayaa muujin doona in isbaheysigani yahay mid dhab ah oo xal raadis ah, mise uu noqon doono mid kale oo qeyb ka noqda wareegga siyaasadeed ee aan xal u keenin shacabka Soomaaliyeed.
Qore : Dr. Abdulkadir Ali, MA in History .
