MUQDISHO – Dhalinyaro Soomaali ah oo saarnaa dooni tahriib ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen badda u dhaxeysa Spain iyo Aljeeriya, kadib markii ay doontii la socdeen ku degtay biyahaasi, sida ay sheegeen ilo-wareedyo maxalli ah.
Dhalinyaradan ayaa la sheegay in muddo bilooyin ah ku sugnaayeen gudaha Aljeeriya, iyaga oo sugayay fursad ay ugu safraan qaaradda Yurub, kadib markii ay ka carareen dhibaatooyin iyo duruufo adag oo ka jiray dalkooda hooyo.
Inkasta oo aan wali la helin tirada rasmiga ah ee dadka ku dhintay shilkaasi badeed, hadana warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in dhammaan rakaabkii doonta saarnaa ay ahaayeen Soomaali, marka laga reebo kabtankii doonta oo la sheegay inuu ahaa ajaanib.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dhalinyaradan badankood ay kasoo jeedeen gobollada Puntland, Khaatumo, iyo Somaliland – meelaha ugu badan ee dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka tahriibaan.
Bilooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa aad u kordhay tirada dhalinyarada Soomaaliyeed ee tahriibaysa, kuwaas oo ku riyoonaya nolol ka wanaagsan oo ay ka helaan dalalka Yurub, iyaga oo uga tagaya dalkooda sababo la xiriira shaqo la’aan, colaado, iyo rajo xumo guud.
Arrimaha tahriibka uma cusba dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana horey ugu dhintay boqolaal qof saxaraha u dhaxeeya Liibiya iyo dalalka deriska la ah, iyo sidoo kale badda Mediterranean-ka gaar ahaan marinada u dhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga.
Balse bilihii la soo dhaafay waxaa sii kordhayey tahriibka ka bilaabanaya dhanka Aljeeriya, halkaas oo mukhallasiin manaxayaal ah ay dhalinyarada u ballan qaadaan safar halis ah oo ku jihaysan Yurub.
Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa horay uga digay khatarta safarrada noocan ah, iyaga oo ugu baaqay dhalinyarada in ay ka fogaadaan tahriibka, ayna raad raacaan fursado ammaan ah oo sharciyeysan.
