Cirro oo shaaca ka qaaday in Mareykanku aqoonsanayo iyo jawaabta Mareykanka

Hargeysa MUDUGPOST) – Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegay in aqoonsiga caalamiga ah ee dalkiisa uu marayo marxalad aad uga dhow sidii hore, iyadoo la rajeynayo in madaxweyne Donald Trump uu noqon karo hoggaamiyaha tallaabadaasi bilaaba.

Wareysi uu siiyay The Guardian oo ka dhacay madaxtooyada Hargeysa, Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa sheegay in dadaalka muddada dheer ee Somaliland ugu jirtay in la aqoonsado uu haatan si dhab ah ugu dhow guul.

“Aqoonsigu waa soo dhow yahay,” ayuu yiri Cirro, oo xilka qabtay shan bilood ka hor. “Arrintu ma ahan mar dambe ‘haddii uu imaanayo’, balse waa goorma—iyo yaa noqon doona kii ugu horreeyay ee na aqoonsada.”

Somaliland waxay ku dhawaaqday madaxbannaanideeda 1991, kaddib markii ay burburtay dowladda dhexe ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, weli dowlad caalami ah ma aqoonsan jiritaankeeda. Khubaro ayaa sheegaya in haddii Mareykanku aqoonsado Somaliland, ay arrintaasi beddeli karto saameynta juqraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika, isla markaana kiciso xiisado gobolka ah.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in wadahadallo heer sare ah ay ka socdaan Washington. Madaxweyne Cirro ayaa shaaca ka qaaday in saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka, oo uu ku jiro taliyaha guud ee Geeska Afrika, ay dhowaan booqdeen Hargeysa si ay u qiimeeyaan dekedda istaraatijiga ah ee Berbera. Wafdi kale oo Mareykan ah ayaa la filayaa in uu sidoo kale booqdo halkaas.

Berbera, oo ku taalla Gacanka Cadmeed, ayaa si isa soo taraysa u kasbaneysa xiisaha caalamka, iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada Mareykanka ee ku aaddan saameynta sii fidaysa ee Shiinaha ee dalka deriska la ah ee Jabuuti—halkaas oo uu ku yaallo saldhigga milatari ee kaliya ee rasmi ah ee Mareykanka ku leeyahay Afrika, Camp Lemonnier.

Qorshe siyaasadeed muran dhaliyay oo kasoo baxay xilligii Trump ku jiray ololaha doorashada loona yaqaan Project 2025, ayaa la sheegay inuu ku talinayo in Somaliland la aqoonsado si ay u noqoto istiraatiji si looga hortago hoos u dhaca saameynta Mareykanka ee Jabuuti.

“Waxaan nahay lammaane amni, dagaalka argagixisada, iyo sugidda badaha muhiimka u ah ganacsiga caalamka,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro, isagoo xusay in safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya uu saddex jeer la kulmay bilooyinkii u dambeeyay.

Si kastaba, maamulka Trump ayaa weli kala qaybsan arrinta siyaasadda muddada dheer jirta ee “Soomaali mid ah”, taas oo Somaliland u aqoonsan qayb ka mid ah dawladda Soomaaliyeed ee mideysan. Horumarrada dhulka ee kooxda Al-Shabaab iyo nuglaanta dowladda dhexe ee Muqdisho ayaa sababtay in mas’uuliyiin Mareykan ah ay bilaabaan inay dib u eegaan siyaasaddooda.

“Waqti dhaw ayaa imaan doona oo ay khasab noqoneyso in Mareykanka iyo beesha caalamku dib u eegaan habka ay ula macaamilayaan Soomaaliya,” ayuu yiri Cirro.

Si rasmi ah, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa weli ku adkaysaneysa in ay “aqoonsan tahay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.” Bayaan kooban oo ay la wadaagtay The Guardian ayey ku sheegtay in aanay jirin “wada-xaajoodyo ku saabsan aqoonsi” oo u dhexeeya Mareykanka iyo Somaliland.

Dhinaca kale, wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Britain, Gavin Williamson, oo si cad u taageera madaxbannaanida Somaliland, ayaa sheegay in saraakiil Mareykan ah ay muujinayaan in aqoonsigu uu hadda yahay arrin suurtagal ah.

“Waxay horeyba uga sii leexdeen siyaasaddii ‘hal Soomaali’,” ayuu Williamson u sheegay The Guardian. “Waxaan aaminsanahay in aqoonsigu iman doono ka hor 2028—xitaa waxaa laga yaabaa inuu yimaado sanadka soo socda.”

Imaaraadka Carabta, oo ah xulafo dhow oo Mareykan ah, ayaa in ka badan $442 milyan ku maalgeliyay casriyeynta dekedda Berbera iyo dhismaha waddooyin xiriiriya dekeddaas iyo Itoobiya, waxaana la sheegay inuu riixayo qorshaha aqoonsiga.

Addis Ababa, oo muddo dheer raadineysay marin badeed, ayaa la sheegay inay ogolaatay inay aqoonsato Somaliland si ay u hesho xuquuq deked—arrin si weyn uga careysiisay Soomaaliya iyo Masar, oo horeyba ugu muransanaa mashruuca biyo-xireenka wabiga Nile ee Itoobiya, inkasta oo weli heshiiskaas aan la dhaqan-gelin.

Inkasta oo Somaliland ay leedahay dad gaaraya ku dhowaad shan milyan, doorashooyin dimuqraadi ah oo joogto ah, iyo xasillooni siyaasadeed oo la isku halleyn karo, haddana ma jirto dowlad xubin ka ah Qaramada Midoobay oo aqoonsatay. Hase yeeshee, Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi wuxuu ku adkeysanayaa in isbeddelkaasi uu hadda aad ugu dhow yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *