Shirka Mucaaradka uga socda Muqdisho oo maanta go’aano rasmi ah laga soo saari doono

Waxaa maanta oo Jimco ah lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo magaalada Muqdisho shirka siyaasiyiinta mucaaradka uga socday Hotelka Jazeera labadii maalin ee lasoo dhaafay.

Shirkaan u socda xubnaha mucaaradka ayaa ah mid ay kaga arrinsanayaan xaalada guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xariira siyaasada, doorashada iyo amniga dalka.

Madaxweynahii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa guddoominaya shirkaan waxaana ka qeyb galay Raysal Wasaarayaashii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid, Maxamed Xuseen Rooble, Cabdi Faarax shirdoon Saacid, guddoomiyaashii hore ee Golaha Shacabka, siyaasiyiin caan ah iyo madax kale.

Madaxda mucaaradka ee shirka uga socdo Muqdisho waxay Shalay kulan la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada, sida bahda warbaahinta iyo culumada Soomaaliyeed oo ay kala hadleen marxaladda guud ee siyaasadda dalka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee maalintii sadaxaad uu shirku uga socdo magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la qaatay haweenka Soomaaliyeed, Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadda ee dalka iyo kaalinta haweenka ee samatabixinta dalka.

Gabagabadii shirkaan Mucaaradka ee furmay Arbacadii lasoo dhaafay ayaa natiijada rasmiga ah ee kasoo bixi doonta maanta ah waxaa si weyn indhaha ugu wada haaya shacabka Soomaaliyeed, dowladaha Caalamka, gaar ahaan kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *