Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Abooreey, oo hoostaga degmada Buulo-burte.
Weerarka oo dhacay saaka hore ayaa lagu dilay tiro saraakiil iyo dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale lagu gubay gaadiid dagaal oo ay kooxdaasi lahayd.
Nuur Cilmi Cariif, Guddoomiyaha deegaanka Abooreey, ayaa wareysi uu siiyay Risaala Media ku sheegay in howlgalka uu ahaa mid si gaar ah loo bartilmaameedsaday, laguna beegsaday goob ay si buuxda u deganaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
“Howlgalku wuxuu ahaa mid qorshaysan, waxaana beegsannay fariisimo muhiim ah oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Abooreey,” ayuu yiri guddoomiyaha.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale xusay in Al-Shabaab ay miinooyin ku aaseen wadooyinka gala deegaanka, taasoo khatar weyn ku ah shacabka iyo ciidamada. Waxa uu intaa ku daray in ciidamada ay wadaan guluf ballaaran oo lagu xoreynayo deegaanka, ayna ku rajo weyn yihiin in maalmaha soo socda Al-Shabaab laga saaro Abooreey.
Deegaanka Abooreey ayaa weli ka mid ah meelaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, hase yeeshee ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa si joogto ah u wadda howlgallo lagu ciribtirayo kooxdaas.
