Musharrax madaxweyne Xasan Cali Khayre, oo kamid ah hoggaamiyaasha siyaasadda dalka ee Muqdisho ugu soo laabtay dadaallada loogu jiro in hubanti la’aanta laga saaro hanaanka doorashada dalka, ayaa caawa xaruntiisa ololaha ku qaabilay qaar kamid ah dhallinyarada Soomaaliyeed.
Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ugu horreyn dhallinyarada la socodsiiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo ujeedada ay hogaamiyaasha siyaasaddu ugu soo laabteen Muqdisho, waxuuna dhallinyara ku booriyay iney kaalinta uga aadan ka qaataan dadaallada socda ee dalka looga ilaalinayo khalkhal siyaasadeed, amni iyo dhaqaale.
Dhallinyarada oo Khayre uga mahad-celiyay qaabilaadda iyo xog-siinta xaaladda siyaasadeed ee dalka, ayaa dhankooda muujiyay walaaca ay qabaan iyo muhiimadda ay leedahay in loo midoobo ilaalinta mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, iyagoo ballan qaaday iney safka hore ka gelayaan dadaallada socda.
