Khilaafkii u Dhexeeyay Puntland iyo SSC-Khaatumo oo Meel Xasaasi ah Maraya

24/05/2025

Garoowe, Soomaaliya – Xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya Maamulada Puntland iyo SSC-Khaatumo ayaa galay marxalad adag, kaddib markii khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay labada dhinac. Tani waxay kusoo aadeysaa xilli ay jirto xiisad militari oo ka dhex taagan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Wararka laga helayo gobolka Karkaar ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan SSC-Khaatumo ay qabsadeen deegaanka Shaxda, oo ku yaalla xadka ay wadaagaan Puntland iyo SSC-Khaatumo. Tani waxay keentay cabsi ah in iska horimaad toos ah uu dhex maro labada maamul, iyadoo xaaladaasi laga deyrinayo.

Taliyaha gobolka Karkaar, Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in SSC-Khaatumo ay qaaday tallaabo halis gelin karta nabadda gobolka, isagoo ugu baaqay maamulkaasi in ay joojiyaan “raadinta dagaal cusub” oo ay la galaan Puntland.

Xiisaddan cusub ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay dhawaan si rasmi ah u aqoonsatay SSC-Khaatumo inay tahay maamul goboleed ka tirsan dowladda, tallaabo si weyn uga careysiisay Puntland oo horay u taageeri jirtay SSC.

Sanadkii 2023, Puntland ayaa taageero buuxda siisay SSC-Khaatumo xilligii ay dagaalka kula jireen maamulka Somaliland oo gacanta ku hayay deegaano badan oo ka tirsan SSC. Puntland ayaa markaas naf iyo maalba ugu huray in reer SSC ay helaan xorriyadooda, arrintaas oo hadda u muuqata mid wajigeeda beddeshay.

Siyaasiyiin iyo waxgarad ka tirsan labada dhinac ayaa ugu baaqay in la qaboojiyo xiisadda, iyadoo laga digayo inuu dhaco dagaal dhiig badan ku daato oo dhex mara labada maamul ee muddo dheer iskaashiga lahaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *