Beledweyne, Soomaaliya – May 25, 2025 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay ku fadeexowday gargaar ay dhawaan gaarsiisay gobolka Hiiraan, gaar ahaan ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda, kuwaas oo dagaal culus kula jira kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye, oo ka hadlay gargaar la gaarsiiyay ciidamada Macawiisleyda, ayaa sheegay in wax ka yar dhowr kartoon oo agab ah loo keenay ciidamada, taasoo uu ku tilmaamay mid ceeb ku ah dowladda dhexe.
“Ciidamada Macawiisleyda waxay naftooda u hureen difaaca dalka, wax aysan u qalmin in loogu keeno dhowr kartoon oo magac loogu raadinayo. Waa fadeexad iyo ceeb weyn oo dowladda ku ah,” ayuu yiri Guddoomiyaha.
Wafdiga ka socday dowladda Federaalka ee booqday ciidamada ayaa sidoo kale lagu dhaleeceeyay in ay ku guuldareysteen gaarsiinta gargaar dhab ah, taasoo keentay in shacabka iyo maamulka gobolka ay si adag uga falceliyaan.
Hadalka Guddoomiyaha Hiiraan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada Macawiisleyda ay maalmihii u dambeeyay labo jibbaareen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyaga oo guulo muhiim ah ka gaaray dagaallada ka socda xuduudda u dhexeysa Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Fadeexaddan ayaa sare u qaaday su’aalaha laga qabo sida dowladda Federaalka uga go’an tahay taageeridda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dhiirrigelinta ciidamada deegaanka ee dagaalka ugu jira safka hore.