War-saxaafadeed Mahadcelin, Aqoonsi & Abaalmarin

War-saxaafadeed Mahadcelin, Aqoonsi & Abaalmarin

USA-Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku sugan Waqooyiga Ameerika waxa ay si qoto dheer ugu mahadcelinayaan una bogaadinayaan Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Mudane Cilmi  Cali Cabdi , doorkiisii geesinimada lahaa ee uu ka qaatay xallinta khilaafkii iyo cabashadii Gabadha Dhaqankaaba ee dhowaan ka dhacday Gobolka Galgadud. Mudane Cilmisalad ayaa si xikmad leh, dulqaad badan iyo hoggaan hufan ku dhameeyay arrin ay muddo  ka cabaneeysay Gabadha Dhaqankaaba , taasoo si nabad ah lagu soo afmeeray.

Guddoomiyaha Galgaduud waa halyey Soomaaliyeed oo tusaale u ah hoggaaminta cadaaladda ku dhisan, kuna dhiirrigeliya midnimo Soomaaliyeed. Waxaa laga dhaxlay aragtidiisa fog ee ku saleysan in Gobolka Galgaduud noqdo deegaan furan oo loo siman yahay, halkaasoo Soomaali kasta uu ka sameysan karo ganacsi, maalgashi, iyo horumarin bulsho. Waxqabadkiisa daahfurnaanta leh iyo sida uu u garab istaago cadaalada waa astaan muujinaysa himilo qaranimo iyo horumar waara.

Iyadoo la garwaaqsan yahay doorkiisa muhiimka ah, jaaliyadaha kasoo jeeda Gobolka Galgaduud ee Waqooyiga Ameerika waxay si sharaf leh ugu gudbiyeen Shahaado Sharaf oo lagu aqoonsanayo kaalinta uu ka qaatay nabadeynta iyo mideynta bulshada.

Sidoo kale, Jaaliyaddu waxay si gaar ah u aqoonsatay, u bogaadisay, una abaal-marisay gabadhaha Soomaaliyeed ee doorka lama ilaawaanka ah ka qaatay arrintii dhaqankaaba. Gabdhahaas oo ah Dahabo Aadan, Guddoomiyaha Haweenka Soomaaliyeed, iyo Hamdi Xirsi Ciise, ayaa si hagar la’aan ah ugu istaagay xal u helidda cabashada dhaqankaaba, iyagoo habeen iyo maalinba u huray waqtigooda. Labadan Gabdhood waa tiir-dhexaadka horumarka iyo cadaaladda Gobolka Galgaduud.

Jaaliyadda waxay si weyn u ammaanaysaa doorkooda, hal-adaygooda, iyo dhiiranaantooda. Waxay tusaale u yihiin haweenka Soomaaliyeed ee ka shaqeynaya horumarka, midnimada iyo nabadda guud ahaan dalka.

Ugu dambeyn, waxaan leenahay: Guul, Gobannimo, iyo Gacmo Wadajir ah!

                          Waa Mahadsan tihiin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *