Garoowi-Guuleed Saalax Barre oo ah guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada Puntland, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, inuu Puntland usoo kiraystay shirkado calooshood u shaqeystaal ah oo usoo saara kheyraadka Puntland.

“Waxaad hadda la socotaan in si aan sharci ahayn lagula soo baxayo kheyraadkii dabiiciga ahaa ee Puntland, in lasoo kiraystay shirkado calooshood u shaqeystaal ah, in la rabo in la boobo kheyraadkii si gaar ah ku jiray gobollada Sanaag iyo Bari,” ayuu yiri Guuleed Salaax oo maanta Garowe ka dagay.
Guuleed Saalax ayaa sidoo kale ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu Puntland ka dhigay shirkad ganacsi oo u adeegta xubnaha qoyskiisa, isagoo tilmaamay in ay meesha kasii baxayso rajadii laga qabay in dib u doorshadiisa ay sixidoonto waxyaabihii ka qaldamay muddo xileedkiisii hore.
Waxa uu sheegay madaxweyne Deni inuu mar kale doonayo inuu dhaqaalaha Puntland ku aado Muqdisho, taasoo sida uu sheegay horey ugu horseedday Puntland in dhaqaalihii uu hoos u dhaco, ayna kordhaan xaaladaha shaqo la’aanta iyo tahriibka dhalinyarada waxbaratay.
Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga hortago burburka uu madaxweyne Deni ku wado Puntland. Guuleed waxa hadalkiisa kusii daray in khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay khilaaf ku saleysan dano gaar ah oo uu Deni ka waayay Dowladda Federaalka.
Guuleed ayaa ahaa murashixii madaxweyne Deni kula tartmay wareeggii ugu dambeeyay ee doorashadii madaxtinimada Puntland ee 2024.