Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid, iyagoo si qoto dheer uga wadahadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sucuudiga taageerada joogtada ah ee ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimo, amniga, maalgashiga, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhankiisa, Danjire Axmed Al-Mawlid ayaa xaqiijiyay in Sucuudigu weli garab taagan yahay Soomaaliya, isla markaana uu diyaar u yahay inuu sii xoojiyo kaalmada uu ku bixinayo dib-u-dhiska dalka. Waxa uu sidoo kale xusay in Boqortooyadu ka go’an tahay la shaqeynta dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo dadaallada lagu sifeynayo kooxaha Argagaxisadda ah, loona suurtageliyo horumar ballaaran oo dadka Soomaaliyeed gaaraan.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee labada dal ku xoojinayaan iskaashiga laba geesoodka ah, iyada oo la filayo in iskaashigaasi uu gaaro heerar cusub oo waxtar leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *