Kulamo Siyaasadeed oo ka Socda Nairobi xili Khilaaf ka taagan yahay nidaamka Doorashooyinka

Nairobi, Kenya – Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa si xowli ah uga socda kulamo siyaasadeed oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ka walaacsan qilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya ee la xiriira arrimaha doorashooyinka dalka.

Kulamadan ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, iyo siyaasiyiin kale. Maanta ayaa waxaa sidoo kale magaalada Nairobi gaaray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, taasoo sare u qaaday miisaanka kulamada socda.

Qilaafka doorashooyinka ayaa cirka isku sii shareeraya kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan ku dhawaaqay xisbi cusub oo uu isagu hogaaminayo, kaas oo ay ku mideysan yihiin madaxda saddex maamul-goboleed oo taageersan dowladda.

Dhanka kale, Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bilaabay diiwaangelinta xisbiyada siyaasadda, balse xisbiyada waaweyn ee dalka ka jira, oo qaarkood ay hogaamiyaan madaxweynayaal hore, wali ma aysan iska diiwaangelin, arrintaasoo sii hurinaysa khilaafka.

Kulamadan ka socda Nairobi ayaa sidoo kale soo jiitay madax hore, waxaana dhawaan halkaas ku kulmay Ra’iisul Wasaarayaal hore oo uu ka mid yahay Maxamed Xuseen Rooble, oo door muhiim ah ka ciyaaray badbaadinta dalka xilligii uu jiray khilaafkii doorashooyinka ee xilligii Madaxweyne Farmaajo.

Wararka la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay la filayo inay kusoo biiraan kulamada socda, si ay ula kulmaan dhinacyada mucaaradka ah ee ku shiraya Nairobi, loogana wada hadlo sidii loo yarayn lahaa khilaafka iyo in wadahadal siyaasadeed loo furo dhinacyada is haysta.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda kulamadan ay kasoo baxaan go’aamo iyo baaqyo muhiim ah oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, xilli uu dalku u diyaar garoobayo marxalad cusub oo doorasho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *