Muqdisho(Mudugpost).Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa weerar afka ah ku qaaday qaar kamid ah Mucaaradka Dowladda oo uu sheegay inay yihiin kuwo huwan fariimo Dowlado Shisheeye aan dooneeyn xasiloonida Soomaaliya.

Waxa uu xubnaha Mucaaradka uu ku eedeeyay inay fagaarayaasha lasoo taagan yihiin shirar jaraaid iyagoo soo gudbinaya fariimaha Wadamo Shisheeye oo markii xilliyaadan oo kale uu teeramka Dowladda soo gaaro doonaya inay xasilooni darro ay ka dhacdo Soomaaliya.
“Waxay dan u tahay Dowladdo idinkuba aad garanaysaan markii xiliyadaan oo kale marka lasoo gaaro shaqadoodi ay tahay inay siyaasiyiinta Soomaaliyeed kala laaluushaan kan uyeel lacag sii orad wax qarxi, taako dhig waa mowsimkii xiligii ay sameen jireen waaye” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in Mucaaradka mar waliba ay lasoo taagan yihiin dhaliisha ciidamada iyagoo kucelceliya inuusan jirin hal urur oo la dagaalami kara Al shabaab waxaana uu carabka ku adkeeyay in midkood xubnaha mucaaradka uusan xitaa isbitaalka ku booqanin askarta Qaranka u dhaawacantay.
“Siyaasiga maalin walba dhahaya ciidan ma jiro ma aragteen iyagoo Isbitaal booqanaya, Askari biyo ugeynaya guuto ma dagaalami karaan ayay dhaheen hadaba kuwa furimaha ku jira yay yihiin oo Al Shabaab hortaagan, maxay Magaaladaan u qabsan la’yihiin hadii aysan jirin askari hor istaaga” ayuu mar kale sii raaciyay Ra’iisul wasaaraha oo dhalinyaro badan u qudbeenayay.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in Xukuumadiisu muddadii ay jirtay ay xaqiijisay guulo waaweyn oo la taaban karo, isla markaana ay ka go’an tahay in ay dadka Soomaaliyeed ku hoggaamiso ciribtirka Al shabaab iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in doorashada dadweynaha ee dalka laga hirgelinayo ay tahay mid shacabka Soomaaliyeed loogu soo celinayo awooddoodii ka maqneyd in ka badan 56 sano, isla markaana ay tahay waddadii dhallinyaradu ku xaddidi lahayd nooca dalkoodu u ekaanayo.
Leave a Reply