Muqdisho( Mudugpost)-Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna taageerayay Urur Siyaasadeedka Xal-Qaran oo kulmisay Mudanka iyo Muxtaramka Bulshada oo ay ku jiraan Madax-dhaqameed, Masuuliyiin Dawladeed, Ganacsato, Culima-Udiin, Dhalinyaro, ururada Haweenka iyo Aqoonyahanka Bulshada ayaa lagu qabtay Magaalo Madaxda dalka ee Muqdisho.
Bulshada Madashu kulmisay ayaa si wayn u taageertay Barnaamijka Urur Siyaasadeedka Xal-Qaran iyo Hoggaanka Ururka iyaga oo balan qaaday inay la garab istaagi doonaan taageero muruq, iyo maskaxba leh si Ururka Xal-Qaran uga mid noqon lahaa ururada u gudba inay noqdaan Xisbiyo Qaran.
Urur Siyaasadeedka Xal-Qaran wuxuu u taaganyahay Xal u helida xaalada dalka iyo dadka Soomaaliyeed in Xal waara loo helo iyo Soo celinta Xurmadii Dalka iyo dadka Soomaaliyeed dunnida ku lahaayeen.
Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Xal-Qaran Dr. Maxamed Macalin Cali ayaa balan qaaday in Ururku fulin doono dhammaan Balanqaadyada iyo Barnaamijkiisa Siyaasadeed, dhagaysana doono Baaqa Bulshada, dalka iyo dadkana u horseedi doono Barwaaqo iyo Badhaadhe InshaAllah.

Leave a Reply