Madaxweynaha oo Taageeray Qadiyadda Falastiin, Soo Dhaweeyay Qaadista Cunaqabataynta Syria

BAQDAAD, 17 May – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Jimcihii ka qeyb galay shir-madaxeedka 34aad ee Jaamacadda Carabta oo ka furmay  magaalada Baqdaad ee caasimadda Ciraaq, halkaas oo uu ka sheegay in loo baahan yahay in la dhiso dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, isla markaana uu soo dhaweeyay in laga qaado cunaqabataynta caalamiga ah ee saarnayd dalka Suuriya.

“Gumeysi dambe ma jiri karo, waa in la aasaasaa dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh isagoo la hadlayay madaxda Carabta ee isugu timid shirka, isaga oo muujiyay sida ay Soomaaliya u garab taagan tahay qadiyadda Falastiin xilli xiisado xooggan ay ka taagan yihiin gobolka.

Madaxweynuhu sidoo kale wuxuu muujiyay garab istaagga Soomaaliya ee dowladda Suuriya, isagoo bogaadiyay talaabooyinka lagu fududeynayo cunaqabatayntii saarnayd.

“Waxaan soo dhoweyneynaa in la qaado cunaqabataynta Suuriya,” ayuu yiri, isaga oo farriintiisa la jaanqaadaysa mowqifka ay qaateen qaar kamid ah dowladaha Carabta ee doonaya in Suuriya dib loogu soo celiyo saaxadda diblomaasiyadeed ee gobolka.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaanaya xilli hoggaamiyeyaasha Carabta ay isku dayayaan in ay meel iska dhigaan kala duwanaanshahooda si ay u helaan mowqif mideysan oo ku aaddan arrimaha muddada dheer taagnaa ee gobolka, sida iskahorimaadka Falastiin iyo Israa’iil iyo doorka cusub ee Suuriya ku yeelan karto dalalka Carabta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *