Mudugpost-May 16th,2025: Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag uga jawaabay dhaliilaha ay mucaaradka u jeediyeen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan kuwa kasoo yeeray madaxweynayaashii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo kuwa kaleba .

Fiqi ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu shaacinayay degmooyin cusub oo ka dhacday Muqdisho, isagoo sheegay in qoraallada mucaaradka ay yihiin kuwo aan la fahmi karin oo tiro badan. Wuxuu sheegay in dad xilal sare soo qabtay ay baaqyo badan soo saareen, kuwaasoo uu ku tilmaamay kuwo aan la akhrin karin.
Wasiirka ayaa sidoo kale difaacay qodobada kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, isagoo sheegay in aysan jirin wax ka hadlay amniga, la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta dastuurka. Wuxuu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in dalka loo gudbiyo doorasho qof iyo cod ah.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli mucaaradka iyo Puntland ay kasoo horjeesteen tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya.
Leave a Reply