MD XASAN SHIIKH OO KA DEGAY BAQDAAD

MUDUGPOST -MAY 16TH,2025-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq, halkaas oo uu kaga qayb gali doono meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta.

Shirka ayaa lagu gorfeeyn doonaa arrimo la xiriira dadaallada lagu doonayo in xal waara loogu helo xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee ka aloosan qaybo badan oo ka mid ah mandaqadda.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirkaas ka jeedin doona warbixin la xiriirta halganka lagula jiro Khawaarijta oo ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed wadaan.

Khudbadda Madaxweynaha ee shir-madaxeedka dalalka Carabta ayaa si weyn loo sugayaa, waxaana xusid mudan in Soomaaliya ay mowqif cad ka qaadatay arrimaha dhibka ku haya Falastiin, Suudaan iyo dalal kale oo ay ka socdaan dagaallo. Shirka waxaa ka horeeyay shirar farsamo oo ay ka qayb galeen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta, halkaas oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya uu saacadihii la soo dhaafay ka waday wadahadallo xasaasi ah.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Masar ayaa ku kulmay magaalada Baqdaad, waxayna si qoto dheer uga wada hadleen arrimo muhiim u ah labada dal, kuwaasoo dhowaan kala saxiixday heshiis xasaasi ah oo ku saabsan iskaashi dhanka difaaca ah.

Masar ayaa la filayaa in ay ciidamo keento Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, iyadoo ku biirtay howlgalka cusub ee AUSOM. Tallaabadan ayaa halis ku ah Itoobiya, waxaana heshiiskan loo arkay mid geesinimo leh oo ay Soomaaliya qaaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *