Jimco, May 16, 2025 (Mudugpost) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta u ambabaxaya magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Shir Madaxeedka 34-aad ee Ururka Jaamacadda Carabta oo furmi doona 17-ka May.
Shirka sanadkan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha xasilloonida gobolka, xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza, la dagaallanka argagixisada, iyo iskaashiga dhaqaale ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta ayaa horey u ansixiyey ajandaha shirkan, iyagoo mudnaanta siiyey arrinta Falastiin iyo xoojinta amniga qaranka Carabta. Afhayeenka dowladda Ciraaq, Bassem al-Awadi, ayaa sheegay in wasiirradu ay soo gudbiyeen talooyin muhiim ah oo loo gudbin doono madaxda dalalka Carabta.
Ajandaha shirku wuxuu ka kooban yahay siddeed qodob oo waaweyn, oo ay kamid yihiin: xalinta khilaafaadka gobolka, iskaashiga amniga, la dagaallanka argagixisada, isbeddelka cimilada, iyo horumarinta iskaashiga dhaqaale ee Carabta.
Sidoo kale, Ciraaq ayaa hoggaaminaysa shan hindise oo cusub oo diiradda saaraya la dagaallanka argagixisada, mukhaadaraadka, dambiyada, iyo xoojinta iskaashiga amni ee Carabta, iyadoo sidoo kale la qorsheynayo dhismaha sanduuq Carbeed oo taageera dib-u-dhiska iyo ka-soo-kabashada musiibooyinka.
Shirka oo sanadkan ciwaan looga dhigay “Wadahadal, Midnimo iyo Horumar” ayaa la filayaa in si qoto dheer looga doodo duullaanka Israa’iil ee Gaza, halkaas oo tan iyo bishii Oktoobar 2023 ay ku dhinteen ku dhawaad 53,000 oo qof.
Leave a Reply