Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu dhawaan jeediyey madaxweynihii hore,

Muqdisho (Mudugpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu dhawaan jeediyey madaxweynihii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaasoo ku saabsanaa xaaladda ciidamada qaranka.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in ciidamada dowladda aysan maanta haynin hal guuto oo si toos ah ula dagaallami karta argagixisada, hadal uu Madaxweyne Xasan Sheekh u arkay mid dhaawacaya sumcadda iyo kalsoonida ciidamada qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid aan xaqiiqda ku salaysnayn, isagoo xusay in ciidamada Soomaaliya ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka lagula jiro argagixisada, isla markaana ay yihiin kuwo u heellan difaaca dalka iyo dadkaba.

Waxa uu sidoo kale sheegay in hadalka Sheekh Shariif uu niyad-jabin karo ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay siyaasiyiinta inay ka fogaadaan hadallada dhaawacaya dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo midnimada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay xoojinta ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada, isagoo shacabka ugu baaqay inay garab istaagaan ciidamada si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo horumarka dalka.

Warbixinta oo dhameystiran waxaad ka akhrisan kartaa bogga Caasimada Online

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *