Madaxweyne Xasan Sheekh oo Mucaaradka ku eedeeyey in aysan dooneeyn in dalka uu ka gudbo Doorashadii dadbaneyd loona gudbo mid Qof iyo Cod ah

Could you please specify what kind of picture you need or the subject you’d like the picture to be about?

Mudugpost news : Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weerar jawaabcelin afka ah ku qaaday Mucaaradka Dowladda oo uu ku eedeeyey kuwa diidan in nidaamka axsaabta loo gudbo loona baahan yahay inay soo bandhigaan Barnaamijkoodi siyaasadda ayna joojiyaan tashwiishka ay ku furayaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta in ay soo bandhigaan barnaamijyadooda iyo aragtiyahooda ku aaddan qarannimada iyo dowlad-dhiska, halka ay ku mashquulsan yihiin dhaliisha guulaha dowladda iyo barnaamijyada hortabinta u leh dalka, waxa uuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay iyagu leeyihiin talada, lagana gudbay xilligii kooxo gaar ah ay isku jaangooyn jireen masiirka iyo mustaqbalka dalka.

Xasan Sheekh ayaa xusay in Dowladiisa aan lagu qaldin karin iyo dhalinyarada Soomaaliyeed siyaasad qofeysan, waxaana tani jawaab cad ay u dirtay xubno 16 gaarayay ee Mucaaradka Dowladda ah oo soo saaray war qoraal ah oo ay ku diidanayeen in Madashii Wadatashiga Qaran uu Madaxweynaha Xisbi u badelay.

“Siyaasiga dhahaya hal Guuto oo Ciidan dagaalami karto majirto ma Al shabaab ayuu taageerayaa wuxuuse sii lee yahay Al Shabaab ayaa Muqdisho qabsan rabto balaayo ayaa soo socota anaga ma fahmin ula jeedkiisa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galaayay xuska maalinta 15ka May ee Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey in ay ka go’an tahay dowladda in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda, waxa uuna xusay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay haatan si rasmi ah uga socoto caasimadda Muqdisho, lagana shaqeeyey shuruucdii iyo nidmaadyadii doorashada.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in la isku dilaayo hadii doorasha dadban la aado Xalkana uu jiro doorsha qof iyo Cod ah waxa uu yiri ” Xildhibaannadii labada saacadood jeebka lagu soo ridanayey kuwii soo xushay kama faa’iidin, bal maxay mar kale ku falayaan! Waa laysku dilayaa markaan, dadkii la boobay mar kale lama boobi karo.”

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay muhiimadda qabyo-tirka Dastuurka, waxa uuna ku bogaadiyey Guddiyada Dastuurka dadaalkooda ku aaddan dhameystirka Dastuurka dalka oo aas-aas u ah horumarinta dimuqraadiyadda, qarannimada iyo midnimada.

Please specify what kind of picture or image content you need for the website. For example, do you need a description, an image placeholder, or instructions on how to add a picture?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *