Shirweeynihii Baarlamaanka Africa oo ka dhacaya Magaalada Midrand ee Wadanka Koonfur Africa Taariikhdu marka eey tahay Bisha Octoobar ,9th,2017.

Shirweeynihii Baarlamaanka Africa oo ka dhacaya Magaalada Midrand ee Wadanka Koonfur Africa Taariikhdu marka eey tahay Bisha Octoobar ,9th,2017.

Shirweeynihii Baarlamaanka Africa oo ka dhacaya Magaalada Midrand ee Wadanka Koonfur Africa Taariikhdu marka eey tahay Bisha Octoobar ,9th,2017.

 

 

Wafdi Balaaran oo iskugu jira Xildhibaano,iyo aqoonyahano metelaya Doowlada federaalka ee Soomaliya ayaa soo Gaaray  magaalada Midrand ee South-Africa.Wafdigaas ayaa ka qeeybgelaya Shirweeynaha Baarlamaanka Africa ee Sanadkaan lagu qabanayo Wadanka South Africa.

Shirweeynahaan ayaa dhacaya Bisha Octoobar Sagaalkeeda oo ku aadan Maalinta Isniinta ah. Baarlamaanka Africa ayaa la aas-aasay Bishii march 2004

 

Xarunta Baarlamaanka Africa waxa eey aheeyd markii hore Magaalada Adis-ababa ee Ethiopia laakiin waxaa loo bedelay Magaalada Midrand, South-Africa.

 

Baarlamaanka Soomalia: Wafdigaan ayaa waxaa horkacaya Aqoonyahan,Xildhibaan Abdihakim Moalim Ahmed oo ka mid Xildhibaanada Doowlada Federaalka ee Soomaaliya .Waxaana Xildhibaan Abdihakim Moallim Ahmed ku wehliya ,Xildhiban Abdiaziz Abdullahi Mohamed, Xildhiban Lutfi sharif Mohamed, Xildhiban idiris Abdi Takhtar ,  Xildhiban yasmin Hussein Mohamed .

Shantaan xubnood waxa eey soomaaliya ku Matalan Baarlamaanka  Afrika oo ey xubno ka yihiin Dhamaan 54 ta dowladood ee Africa ay ka koobantahay Qaarada Africa.



Xildhibaanada Dhamaantood  Maanta ayay gaareen Magaalada Midrand ee South-africa marka laga reebo Xildhiban yaasmiin Hussein Mohamed. Xildhibaanadu waxa eey galeen shirar horu dhac ah taas oo ku saabsan isbarasho  xaga madaxda iyo shaqaalaha baarlamaanka Afrika sidoo kale Xildhibaanada waxaa lagu soo wareejiyay xafiisyadii ay ku shaqeyn lahaayeen mudada afarta sano ah ee soo Socota  .
Shirka baarlamaanka Afrika si rasmi ah waxa uu u  furmi doonaa  Bisha Octoobar  -09-2017 wuxuuna socondoonaa   illaa iyo Octoobar -20 – 2017.

 

-Xaqiiqonews

 

Share This Post

Post Comment