Shirkii Kooxdii Qaswadayaalka oo ku dhamaaday Fashil iyo Ceeb

Shirkii Kooxdii Qaswadayaalka oo ku dhamaaday Fashil iyo Ceeb


Minneapolis:  Shirkii eey soo abaabuleen Qooxdii  qaswadayaalka  oo ka tirsan Beesha Habar-gedir ooy horboodayaan Dalaal Maxamed Cabdullahi Marteelo oo u dhashay Beesha Cayr ayaa ka dhacay xalay Hoolka aroosyada ee Karmeel Mall.

Shirkaas oo horey loogu casumay koox xagjir ah oo ka soo horjeeda wada jirka beelaha dhistay Galmudug State .

Shirku wuxuu  bilaabmay abaarihii 7pm isla markaas waxaa shirka furay Maxamed Marteelo oo sheegtay in  isaga uu soo wakiishay Madaxweeyne Xaaf uuna ka codsaday in uu soo  dhiso gudi Habar-gedir ah oo ka shaqeeya adkeeynta iyo soo celinta xaqii iyo awoodii Beesha Habar-Gedir laga dhacay.

Maxamed Marteelo ayaa ka sheekeeyay sida Beesha Habar-Gidir  eey ugu  dulmantahay tahay Galmudug State, Gobolka Banaadir Ganacsigeeda iyo meelo badan oo ka tirsan Soomaliya. Maxamed marteelo ayaa ku tilmaamay Beesha Madaxweyne Farmaajo kuwa aan jecleeyn Galmudug State oo ka soo horjeeda Beesha Habargedir isagoo soo qaatay in had aka hor eey Beesha Mareeyxaan abaabuleen in xilka Rugta Ganacsiga laga qaado balse eey ku fashilmeen.

Waxaan idiin soo gudbin doonaa Gabdho  Marteelo Qudbadiisii eey ku jaa-ifeeyeen Beelo ka tirsan Galmudug State.

Isla maanta Beesha Habargidir  aqoonyahanadooda iyaa iska fogeeyay shirkaas lagu caayay Beelo ka tirsan Galmudug State.

Share This Post

Post Comment