Ninka u Qaabilsan Qandaraaska Gadashada Dekadaha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmaake ayaa ka Codsaday Doowlada Federaalka in Cabdiraxman Cabdishakuur lagu bedelo

Ninka u Qaabilsan Qandaraaska Gadashada Dekadaha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmaake ayaa ka Codsaday Doowlada Federaalka in Cabdiraxman Cabdishakuur lagu bedelo

Ninka u Qaabilsan Qandaraaska Gadashada Dekadaha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmaake ayaa ka Codsaday Doowlada Federaalka in Cabdiraxman Cabdishakuur lagu bedelo Yuusuf Garaad Wasiirka Arimaha Dibada iyoXildhibaan Mahad Salad oo taageeray Mooshinkaan lagu ridayo Yuusuf Garaad.

 
Geed Geedkiisa ma dhalo: Cumar Cabdirashiid Sharmaake waxaa dhalay Madaxweeynihii hore ee Soomalia allaha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharmaake oo lagu xasuusto nin Wadankiisa Jecel balse Wiilkii uu dhalay Cumar Cabdirashiid Wuxuu Sanadahaan u metelayay Wadanka U.A.E in eey gadato Dekedaha Soomaaliya iyo in Cumar Cabdirashiid ka Gado Soomaalida Danaha gaar ah ee Wadanka U.A.E. Cumar Cabdirashiid Wuxuu isla markiisa ku guuleeystay in uu Dekeda weeyn ee Barbaro iyo Tan Boosaaso Ku wareejiyo Waanka U.A.E iyadoo aan la garaneeyn waxa uu saxiixay.
 
.
Cumar Cabdirashiid Sharmaake ayaa lagu xasuustaa saxiixii uu u saxiixay Wadanka Keenta Qeeyb Bada Soomaalyeed ee ku taala Jubada Hoose.
 
Cumar Cabdirashiid taa kuma ekaann balse wuxuu qandaraas kaga qaatay Wadanka U.A.E iibinta Dekeda Weeyn ee Berbera , Somaliland. Wuxuu ku sii daray Dekeda Boosaaso isagoo ku qaatay lacago badan taasna uu isticmaala in uu ku laaluusho Siyaasiinta,Qabiilada, Ugaasyada,Suldaanada,iyo Maamul Goboleedyada.
 
Jubaland: Cumar Cabdishakuur Sharmaake ayaa isku deyay in uu dekeda Kismaayo Gacanta u Geliyo Wadanka U.A.E balse taas waxaa Gashaanka ku dhuftay Madaxweeyne Maamul Goboleedka Jubaland ,Madaxweeyne Axmed Maxamed Islaam.
 
Dowlada Federaal moowqifkeeda Qorshahaan: Cumar Cabdirashiid Sharmaake ayaa wada Mooshin lagu doonayo in lagu rido Doowlada uu Hogaaminayo Raiisalwasaare Xasan Kheeyre ujeeda uu leeyahay Cumar Cabdirashiid Sharmaake ayaa ku saleeysan hal Qodob
1. In xilka Yuusuf Garaad ee Wasiirka Arimaha Dibada loo dhiibo Qof ka mid ah Xisbiga ku midoobay Gadashada Badaha si taasi ugu sahasho Wadanka U.A.E , Iyo in Doowlada dhalata xageeda arimaha dibada la hoos geeyoWadanka U.A.E.
 
Yaa wax ka wada qorshahaan xilka looga qadaayo Wasiirka Arimaha Dibada Yuusuf Garaad? Maxeeyse Farmaajo iyo Xasan Kheeyre u arkaan Qorshahaan Halista Wata?
 
Dowlada Federaalka ayaa ka weeysay taageeradii Beesha Ceeyr iyo Deegaanadeeda eey gacanta ku hayaan AhluSuna, iyo Alshabaab. Siyaasiintii laga Soo doortay Galmudug State Sida Mahad Salaad, Cabdi Qeeybdiid, Jaahir, iyo cabdixakiim oo wax ka wada Mooshinkaan looga Soo horjeedo Doolwada balse waxa loola Jeedee eey tahay Booska Wasaiirka Arimaha dibada Yuusuf Garaad.
 
Beelweeynta Ceeyr: Beesha Yuusuf Garaad ka dhashay ee Ceeyr ayaa u eg in eey aqbashay Qeeyladhaanta ku dhisan oowrkacsiga iyo Sawaxanka mucaaradnimo ee ku dhisan Danaha gaarka ah ooy horboodayaan kooxaha Beesha Habargedir , kuwa ugu darana eey yihiin kuwii Beesha Ceeyr sida Mahad Salad, iyo Cabdiramaan Cabdishakuur oo oo ka soo jeeda Beesha Ceeyr.
 
Xiriirka ka dhexeeya Mahad Salaad,Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cumar Cabdirashiid :
 
Cumar Cabdirashiid Ayaa ka dhaadhiciyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ,Mahad Salad, iyo Cabdi Qeeyb-diid in Xilka Wasiirka Arimaha Gudaha la siin doono Beesha Habar-Gedir hadii Doowlada Raiisalwasaare Xasan Kheeyre eey dhacdo
 
Suaashu waxa eey tahay Yuusuf Garaad Maxaa lagu Diidan Yahay? Yaase Diidan?
 
Jawaabta: 1. Waa in arimaha Dibada Gacanta lagu dhigaa ,lagana Saaro meesha Yuusuf Garaad oo ah aqoonyan wadani ah ,wax badana og ,daacadna u ah Doowlada Federaalka. In Wasaaradaan loo dhiibo Kooxdaan Badaha iyo Dekedaha Gadanaya
2. Suaasha labaad waxaan u daayay Aqristayaasha.
 

-Somalieye.

Share This Post

Post Comment