Horjoogayaasha Sufa u Qaabilsan Qafaalka, iyo lacagta Madax furashada Gobolada Dhexe ayaa qafaashay Aqoonyahan Axmed Siigaale:

Horjoogayaasha Sufa u Qaabilsan Qafaalka, iyo lacagta Madax furashada  Gobolada Dhexe ayaa qafaashay Aqoonyahan  Axmed Siigaale:

Shaqsiyaadka Sufa u Qaabilsan xaga jirdilka iyo Barakicinta Shacabka Gobolada Dhexe ayaa qafaashay Aqoonyahan  Axmed Siigaale:

 

Waxaa magaalada Dhuusamareeb ah Xarunta Kooxda Sufa ayaa lagu qafaashay , lagu xiray Aqoonyahan Axmed Siigaale oo ah nin muda badan ka weeday mashaariic waxbarasho  Deegaanada Gobolka Galgaduud, Mudug iyo Hiiraan.

 

 

Axmed Siigaale oo waqtigiisa geliyay in dadkiisu wax bartaan ayaa ka hirgeliyay Gobolka Galgaduud ,Hiiraan iyo Mudug mashaariic wax barasho.

 

Xarunta , Xafiiska ugu weeyn  ayaa ku yiilay Magaalada Dhuusamareeb ee Gabolka Galgaduud.

 

Schoolkii  ugu Horeeyay ayuu ka furay Magaalada Dhuusamareeb laguna Magacaabo “Gurmad” Dugisgaan ayaa  lagu dhigi jiray xirfado kala duwan kaasoo eey wax ka baran jireen Ardo kur u dhafaayay ilaa 400 oo arday ah.

 

Ardada  ka soo baxa dugsigaan ayaa si heersare ah ugu gudbi jiray Jaamacadaha Sare iyo iyagoo heli jiray shaqooyin  Gaagaaban ooy ku dabartaan Nolol maalmoodka.

 

Schoolkaas ayaa lagu tilmaamay sanadkii 2016 iskuulka ugu fiican wadanka Soomaliya sababtoo ah ardada wax ka barata iskuulkaa ayaa aad ugu wanaagsanaa Xaga Xisaabta iyo Cilmiga  Saayniska waxaa kaloo eey kala soo baran jireen dugsigaan Xirfadaha gacanta .

 

Sanadkii 2006, waxaa irdaha iskugu laabay  Schoolkii Gurmad Kooxda Sufa ee Qafaalka ku heeysata Magaalada Dhuusamareeb sidoo kale waxaa eey xireen Axamed Siigaale.

 

Cabasho iyo Mudaaharaadyo badan oo dad shacab ah eey ku dhinteen ayaa waxaa suurta gashay in la daayo Axmed Siigaale sanadkii la soo dhaafay balse iskuulkii Gurmad Sidiisii buu xiran yahay. Waxaana halkaas Ku waxbarashao la’a dhamaan dadkii wax ka baran jiray Schoolkaas oo kor u dhaafayay 400 oo arday.

 

 

Yaa qafaashay oo Xirtay Axmed Siigaale?

 

Raga u qaabilsan Kooxda Sufa  xaga qafaalka, lagacta madaxfurashada, iyo jirdilka  oo kala ah

  1. Mahad Xaashi
  2. Mursal Xeefoow

 

Labaadaas Shaqsi oo kala ah Mahad Xaashi iyo MUrsal Xeefoow ayaa qafaal ku heeysta ,uuna u xiran yahay Axmed Siigaale.

Dhoowr jeer ayeey ragaani ugu hanjabeen Dil Aqoonyahan Axmed Siigaale balse Axmed Sigaale ayaa ku jawaabay in uusan marna ka tegeeyn DHulkiisa uuna  diyaar u yahay in uu ku dhinto Magaaladiisa.

 

Wararka ayaa intaas ku daraya in markii eey qafaalanayeen in eey u geeystiin Jirdil iyadoo Aqoonyahan Axmed Siigaale dhaawac ka soo gaaray xaga Garabka.

Magaalda Dhuusamareeb ayaa Caawa Kacsan iyadoo laga baqayo in uu halkaas ka dilaaco Kacdoon Cusub oo soo dedejiya in shacabku dib u hantaan Daardheer, Dheeymandheer( Dhuusamareeb).

 

Waxaan idiin soo gudbin doonaa sawirada kooxda Khafaalatay Aqoonyahan Axmed Siigaale

 

Wixii soo kordha halakaan kala Soco:

 

 

 

 

Share This Post

Post Comment